
Kabtanka kooxda Blues ayaa lagu heystaa eedeymo la xiriira inuu hadalo cunsurinimo ah ku aflagaadeeyay daafaca QPR Anton Ferdinand, waxaana dacwad arintaas ka dhan ah ku soo rogtay FA-ga.
Hadii danbe lagu helo, Terry waxa uu muteysan karaa ganaax dheer oo la mid ah kii uu maray weeraryahanka Liverpool Luis Suaez, inkastoo maxkamad dhanka sharciga ah ay ku weyso wax danbi ah.
“Waxaan rajeynayaa, mana qarinayo arintaan, in John Terry la iska fasaxo, si ay u soo fasaxday maxkamada madaniga, si uu ugu sii ciyaaro England” ayuu Hodgson u sheegay suxufiyiinta ka hor kulanka England ay caawa la ciyaareyso Italy.
“Taasi waa rajadeyda. Ma dhici doonaa, war uma hayo. Madaama aan ahay xubin ka mid ah FA-ga arintaan waa arin qasan, diyaarna uma ahi inaan wax badan ka sii iraahdo”.
Durbaba hadalka Hodgson ayaa noqday mid ay saaka soo wada qaateen saxaafada Ingariiska oo dhinac kale ka eegay xaalada iyagoo sheegaya in Hodgson uu halis geliyay inay ku xanaaqaan FA-ga madaama uu la saftay Terry islamarkaana uu ka soo horjeestay ciyaaryahanka kale ee reer England Anton Ferdinand.
Terry ayaa sugaya dhageysiga dacwadiisa ku aadan arintaan ee FA-ga halkaasoo go’aan ay ka soo saari doonaan xiriirka kubada cagta Ingariiska.