
Les Bleus’ ayaa waxa ay wajihi doontaa xulka Vicente del Bosque bartamaha toddobaadkan iyadoo ciyaartana ay ka dhacayso Vicente Calderon, waxana uu ciyaaryahankii hore ee qadka dhexe ee xulkii Faransiiska koobka dunida la qaaday uu amaanay kooxda ay isku guruubka yihiin ee uu la ciyaari doono isreebreebka koobka adduunka.
“Spain waa kooxda ugu wanaagsan caalamka,”ayuu u sheegay shabakada warbaahinta xiriirka kubada cagta dalka Faransiiska. “Laakiin ciyaaryahanadeena aaminka ayay isku qabaan, waxana aan leenahay fursad aan ciyaarta wax ugaga qaadan karno, waa inaan markaas u ciyaarnaa kulanka sida ugu fiican ee aan awoodno.
“Waa inaan goolka hortiisa ku noqonaa kuwo waxgal ah, sababtoo waxaan helnay fursado badane kulankii saaxibtinimo ee ay 1-0 inoogaga badisey Japan jimcihii la soo dhaafay.
“Waan hubnaa in uu dhib inoogaga imanayo Spanishka. Ma inkireyno xaqiiqda ah inay shaqsi shaqsi naga wanaagsan yihiin iyo sidoo kale wadajirkaba. Balse waa inaan ku kalsoonaa awoodeena waana guuleysan karnaa.”ayuu ku soo gunaanuday warkiisa tababaraha xulka Faransiiska.