
Saacado ka hor inta aysan ciyaarta bilaaban, waxaa jariirada Jarmalka ee Bild baahisay line-upka saxda ah ee tababare Joachim Low, taasoo markii danbe wada qabsatay saxaafada Isboortiga ka faaloota. Waxaana ciyaarta ka dib uu tababaraha sheegay inuu jiro basaas jooga xerada tababarka oo mas’uul ka ah in sirta line-upka ay baxdo ka hor saacado inta aysan ciyaarta bilaaban.
“Ma sharaxi karo sida liiska loo xaday. Malaha ciyaaryahan ayaa la hadlay wakiilkiisa oo isna saxaafada gaarsiiyay” ayuu Low u sheegay Tv-ga Jarmalka ee ARD.
Low ayaa afar bedel ku sameeyay line-upkiisii hore, isagoo booskiisa weerarka ku soo bilaabay Miroslav Klose, Marco Reus iyo Andre Schurrle. Waxaana Low uu sheegay in Greece aysan la yaab ku noqonin qaabka weerarka ah ay ku soo shirtageen madaama ay ka warqabeen ka hor saacado intaan ciyaartaba la gaarin.
“Ma ahan wax fiican marka Line-upkaaga la sii baahiyo, sababtoo ah waxaan dooneynaa inaan noqono xul aan la sadaalin Karin”.
Holland ayaa markii ay ka hartay koobkaan waxa ay iyagana eeda saarayeen inuu ku dhexjiro basaas bixinaayay taatikada ay ku soo galayaan, taasoo ay ku micneeyeen inay guulo ka gaari waayeen seddexda kulan ee group B