
38 jirkaan ayaa fasax loo siiyay inuu la hadli karo madaxda Anfield ka dib markii Liverpool ay iska ceyrisay Kenny Dalglish, lakiin waxa uu Martinez ka mid yahay tababarayaal badan oo Liverpool ay qiimeyneyso.
Tababaraha reer Spain ayaa sidoo kale lala xiriiriyay kooxda Aston Villa. Iyadoo wararka mustaqbalkiisa uu yahay mid aad la iskula dhexmarayo, Whelan ayaa qirtay in kooxda aysan dooneynin inay ku lug go’do Martinez islamarkaana ay uga baahan yihiin go’aan degdeg ah si ay diirada u saaraan xilli ciyaareedka soo socda.
“Roberto waxa uu ku sugnaan doonaa Barbados ilaa talaadada, waxaana u qaban doonaa ilaa todobo maalmood oo aan ka filayo waqtigaas inuu go’aan gaaro” ayuu gudoomiyaha Wigan u sheegay Wigan Evening Post.
“Ilaa iyo inta uu ka soo laabanayo, wax walba waa ay ka degan yihiin dhankeena”.
“Waxa kaliya aan ku mashquulayo waa hal sheey, waana mustaqbalka Wigan. Wax kale shaqadeyda ma ahan”.
“Sidaasi darteed waa muhim in arintaan la xaliyo sida ugu dhaqsaha badan si aan ugu diyaargarowno xilli ciyaareedka cusub”.