
21 jirkaan ayaa amah ku joogay Roma, waxaana heshiiskii ay 7 milyan ginni si rasmi ah ay ugula wada wareegi laheyd uu ku eg yahay maanta.
Haatan waxa uu Fabio Borini ka mid yahay ciyaartoyda xulka qaranka Italy ee Euro 2012, Borini ayaa waqti fiican ku soo qaaday Swansea isagoo ka soo hoos ciyaaray macalinka cusub ee Liverpool Brendan Rodgers.
Waxaana haddii Roma ay bixin weyso maanta lacagtaas hore loogu heshiiyay inay bixiso ay keeni doontaa in Liverpool ay tartan adag u gasho weeraryahanka da’da yare e Talyaaniga.
Dhinaca kale u dhaqaaqistii Liverpool ee ciyaaryahan Gylfi Sigurdsson uu kaga soo biiri lahaa Hoffenheim ayaa hakad la geliyay ka dib markii QPR ay ku soo biirtay xiisaha ciyaaryahanka.