
Wargeyska Daily Mail ayaa soo warinayay in kooxda heysata horyaalka Serie A inay isku diyaarineyso inay dalbato 25 jirkaas.
Lakiin tababaraha cusub ee kooxda ayaa meesha ka saaray suurtogalnimada uu Suarez kaga tago kooxda, waxaana uu sheegay inuu indhaha ku hayo inuu ciyaaryahanka la shaqeeyo xilli ciyaareedka soo socda.
“Wadahadal aad u fiican ayaan la qaatay Luis” ayuu Rodgers ayaa u sheegay TalkSPORT saaka.
“Waxa uu doonayaa inuu halkaan ku soo laabto, xaqiiqdiina waxaana dooneynaa inaan ka saxiixno heshiis cusub. Waxa uu carcar u yahay xilli ciyaareedka cusub”.
Rodgers ayaan weli la soo wareegin wax ciyaaryahan ah tan iyo intii loo magacaabay tababaraha Reds, waxaana uu sheegay inuu doonayo inuu Anfield keeno ciyaaryahano isbedel rasmi ah kooxda ku sameyn kara.
“Waxaan doonayaa inaan keeno seddex ama afar ciyaaryahan oo saameyn ku yeelan karta kooxda” ayuu xaqiijiyay Rodgers.
“Waxaan haatan heystaa ciyaartoy cajiib ah”.