
Suarez ayaa la ganaaxay sideed kulan ka dib markii lagu helay inuu cunsurinimo ku aflagaadeeyay daafaca Manchester United Patrice Evra.
Rodgers ayaa yiri: “Luis sida ay u badan tahay waxa uu dareemayaa cadaalad darro in lagu sameeyay xilli ciyaareedkii hore, lakiin aniga fariinta aan u hayo ayaa ah inuu iska ilaawo oo uu arintaas meesheeda ku xiro”
“Waa inaan hore uga soconaa. Islamarkaana aan iska ilownaa wixii dhacay, si kasta oo ay u adag tahay”
Dhacdadaas ayaa waxaa sii kiciyay markii uu Suarez diiday inuu gacan qaado Evra bishii Febraayo, isagoo sidoo kale dhawaan soo nuuxnuuxiyay islamarkaana sheegay in awood siyaasadeed oo ay England ku leedahay Manchester United darted loogu ganaaxay sideed kulan isagoo aan laga dhageysan sida ay wax u dhaceen.
Tababaraha Liverpool ayaa aaminsan in weli arintaasi ay taageerayaasha ka soo horjeeda Reds ay sii wadwadi doonaan, isagoo ka hadlay oorintii ay ku ooriyeen taageerayaasha xulka Britian ee ciyaaraha Olimbikada ciyaaryahanka reer Uruguay.
“Qodobka koowaad waxa uu yahay taageerayaasha kaa soo horjeeda waxa ay ku ooriyaan kaliya ciyaartoyda fiican, ma arkeysid ciyaaryahan aan fiicneyn oo lagu oorinayo” ayuu hadalkiisa raaciyay Rodgers.