
Hadii ay taasi dhacdo, waxa uu ciyaaryahankaan raaci doonaa wadadii uu raacay saaxiibkiisii hore Shinji Kagawa oo isna u dhaqaaqay Old Trafford, waxaana Smuda uu aaminsan yahay in ciyaaryahanka ay u tahay wax fiican inuu u dhaqaaqo Red Devils.
Halka uu sidoo kale ka hadlay in Lukasz Piszczek iyo kabtan Jakub Blaszczykowsk ay iyagana ku sii jeedaan kooxo kale.
“Lewy waxa uu ku sii jeedaa Manchester United, Kuba isna waxa uu aadayaa koox kale oo England ah, Piszczek waxa uu ku socdaa Real” ayuu Smuda u sheegay Reuters.
“Waxa ay leeyihiin hami, waxaana ay doonayaan inay noqdaan ciyaaryahano waa weyn. Iyaga ayaana xulka ka agdhisi doonaa”.
Lewandowski ayaa xilli ciyaareed fiican ku qaatay Bundesliga xilli ciyaareedkii hore, isagoo kooxda ka caawiyay inay hantaan horyaalka, waxaana uu dhaliyay 22 gool oo horyaalka ah.
Kooxda Borussia Dortmund iyo Manchester United midna kama aysan hadlin arinta uu sheegtay tababaraha xulka Poland.