
Rodgers ayaa waxaa ay diirada u saaran tahay 21jirka reer Spain oo heshiiska uu kula joogo kooxdiisa uu ku eg yahay dhamaadka xilli ciyaareedka soo socda waxana xiddigan doonaya kooxo ay ka mid yihiin Benfica iyo Valencia.
Kooxda Liverpool ayaa waxaa la sheegay in laga doonayo in ay ka bixiso xiddigan da’ada yar lacag gaareysa £7million oo dhinaca weerarka saddexdiisa gees ka ciyaari kara waxana ay kooxda Liverpool ay hore u soo iibsatay ciyaaryahanada kala ah Fabio Borini and Joe Allen.
Hase ahaatee waxaa la fahamsan yahay in Tababaraha cusub ee liverpool uu doonayo in uu amaah ahaan hal xilli ciyaareed ku soo qaato oo weliba uu dooran karo in heshiis joogta ah ugu dambayntii kula wareego.
Kooxda Arsenal ayaa sidoo kale ka mid ah kooxaha la rumeysan yahay in ay dooneyso Tello oo boos joogta ah waayay kooxda Nou Camp oo ku soo barbaaray,waxaana xaalka Tello sii xumeynaya iyadoo uu dib garoomada ugu soo laabtay David Villa.