
Mancini ayaa isagoo taa ka hadlaya wuxuu yiri : “Mario waa sidiisii hore. Laga yaabee inuu horumar samayn karo laakiin uma malaynayo in hal bil la isku bedeli karo.
“Haddii uu mar walba u ciyaaro sidii uu ahaa Euro 2012 markaa wuu wanaagsanaayaa.
“Laakiin waxaa saaran mas’uuliyad weyn isaga. Waa ciyaaryahan muhiim ah kaasoo lacag badan aan ku bixinay. Howshiisana si wanaagsan ayuu ugaga soo bixi karaa halkan.”
Balotelli ayaa labo sano kahor ku soo biirey Man City isagoo ay kooxdu kula soo wareegtey lacag dhan £22million isagoo hore ugu ciyaari jirey Inter Milan. Hase yeeshee intii uu la joogay City ayaa dabeecado qalafsan uu la soo baxay wiilkan reer Italy oo marmar lagu naaneyso Bad-boy Balotelli.
Berrito ayaa waxaa uu dib ugu laabanayaa garoon ka mid ah meelihii lagu arkay dabeecad xumidiisa iyadoo garoonka Anfield ay booqan doonto kooxda haysata horyaalka Premier League.
Xilli ciyaareedkii la soo dhaafay ayuu daqiiqadii 65aad bedel ku soo galay garoonka 15 daqiiqo gudahood ayuu labo qalad ku galay oo looga saaray garoonka.
Balotelli ayaa sidoo kale kaarka cas qaatay kulankii Arsenal ee bishii April ee laga badiyey taasoo City u muuqatay in ay ka hareen u tartamidii koobka mana uusan ku bilaaban garoonka tan iyo kulankaas kadib Balotelli.
Sidoo kale 22jirkan ayaa la ganaaxay kadib markii uu ku istaagay mid kamid ah ciyaaryahanada kooxda Tottenham.
Berrito ayaa lagu wadaa in uu garoonka ku bilowdo kadib markii xilli dambe la soo geliyay kulankii Southampton ee 3-2 ay ku badisey.
Waxana ay u tahay Balotelli fursad maadaama Sergio Aguero uu ka maqnaanayo garoomada illaa iyo bartamaha bisha soo socota kadib markii uu ka dhaawacmay jilibka.
Dhaawaca Aguero ayaa waxa uu khilaaf ka dhex dhaliyey kooxda City iyo Argentine FA kadib markii loogu yeeray in uu ka mid noqdo ciyaaryahanada xulka qaranka Argentina oo labo kulan horaanta September yeelan doonta ciyaaro ku aadan isreebreebka koobka adduunka.