
Iyadoo goolka koowaad uu u dhaliyey Baines kooxda Everton ayaa hase ahaatee waxaa beeniyey Demba Ba oo qeybtii dambe bedel ku soo galay oo barbareeyey. Hase ahaatee Marouane Fellaini oo dadaal uu sameeyey kadib gool dhaliyey ayaa calan hayihii ciyaarta Ceri Richards uu ku tilmaamay offside.
Weeraryahanka Everton Anichebe oo isna bedel ku soo galay ayaa gool uu dhaliyey laga diiday markale iyadoo goolka uu lineka dhaafay balse uu arki waayay calanwalihii mar kale.
Hase yeeshee Anichebe ayaa waxaa uu dhaliyey gool labo daqiiqo kahor dhamaadka ciyaarta balse Ba ayaa haddana gool kale u dhaliyey Newcastle kaasoo ka dhigey in min hal dhibic ay kala qaataan labada koox.
“Labo gool oo aan ku weyney ciyaarta ayaa jirtey laakiin ma soo noqonayaan balse waxaan rajaynaa in uu calanhayaha uu fiiriyo uuna arko qaladka uu naga galay”ayuu yiri Moyse oo la hadlay madaxda FAga kadib kulanka.
‘Waan la hadlay waxana aan ku iri ‘Waxaad arki weysay labo gool waxayna saameyn ku yeelatay natiijada ciyaarta balse maxaan ka samayn karaa?
Tababaraha Newcastle Alan Pardew oo tarabuunka ka fiirsanayaya ciyaarta ganaax labo kulan ah oo lagu ridey ayaa qirtey in Everton ay ciyaar adag la dheeleen.
‘Goolka lineka wuu dhaafay oo waa iska cadeyd,’ ayuu yiri.
‘Hore ayaan u sheegi jirey in cilmiga lineka la isticmaalo taasna caawa gool muhiim ahaa ayay ku weydey Everton.’