
Milkiilaha kooxda Chelsea ayaa ka dhigtay bartilmaameedkiisa koowaad Pep Guardiola hase yeeshee tani waxay jaanis siinaysaa macalinka sida kumeel gaadhka ah u haya shaqada kooxda Chelsea Di Matteo oo sida muuqata kor u soo qaaday kooxda ilaa iyo xiligii uu la wareegay.
Macalinka reer Italy ayaa intii uu joogay kooxda ku hogaamiyay in uu u qaado koobka loo yaqaan FA iyo waliba final-ka Champion League oo ay la ciyaari doonaan kooxda Bayern Munich, waxa kale oo muuqata inay fursad u heystaan in ay kamid noqdaan afarta kooxood ee ugu sareeya Premier League taas oo u sahlaysa inay sanadka danbe ka qayb galaan Champions League ka hadii kan laga badiyo.
Tan ayaa macnaheedu noqon karaa in kooxda Blues ay ku adkaysato Di Matteo inta uu Guardiola diyaar u noqonayo shaqadaas.
Inkasta oo uu Pep sheegay inuusan xiisaynayn shaqada Chelsea xitaa hadii u noqonayo macalinka ugu lacagta badan dunida, hadana Chelsea ayaa isku dayday in markale ay tijaabiso nasiibkeeda, balse waxaa cad in ay ku guul daraysteen inay heshiis la galaan Guardiola.
Waxa kale oo Chelsea ay la xidhiidhay macalinkoodii hore Jose Mourinho oo isagu kula jira heshiis kooxda Realmadrid ilaa 2016 ka, iyo waliba macalinka Germany Joachim Loew.
Sikastaba ha ahaatee ciyaartoyda Chelsea ayaa doonaya in shaqada loo dhiibo macalinka kumeel gaarka ah Di Matteo