
“Shaki ayaan qabay lakiin ugu danbeyn waxaan go’aansaday inaan talaabadan qaado” ayuu Van Marwijk yiri, isagoo sannadkii hore uun saxiixay heshiis afar sanno ah.
Xulkii Holland ee finalka ka gaaray koobkii adduunka 2010, ayaa koobka qaramada Yurub iyo Poland kaga haray iyadoo laga wada badiyay seddexdii kulan ee wareega group-ka, waana qaab ciyaareedkoodii ugu xumaa ee tartan weyn.
Kulankii furitaanka waxaa 1-0 kaga badisay Denmark, waxaana sii raacday guuldarro 2-1 ah oo ka soo gaartay Germany iyo Portugal.
Saxaafada Holland iyo taageerayaasha ayaa ku eedeeynayay Van Marjwik guuldarada soo gaartay Orange, inkastoo qaar ka mid ah ciyaartoyda ay taageerayeen tababarahan shaqada ka tagay.
Van Marwijk oo 60 jir ah ayaa qabtay xulka July 2008dii ka dib markii Marco van Basten uu iscasilay. Intii uu macalin u ahaa waxa ay Dutch-ku badiyeen 14 kulan oo tartan rasmi ah oo isku xigta ka hor intii aan finalka koobka adduunka 1-0 looga badin oo aysan Spain ka qaadin.
Holland ayaa sidoo kale isreebreebkii Euro 2012 wacdarro dhigtay, iyagoo badiyay sagaal kulan oo isku xigta ka hor inta aysan Sweden ka badin kulankii ugu danbeeyay ee isreebreebka.