
Barcelona ayaa kulankan ciyaari doontaa iyadoo guul 3-2 ah ka soo gaartay kulankii lugta hore ee Khamiistii garoonkeeda kula ciyaartay Real Madrid, waxanaa ku filan Vilanova in barbaro goolal la’aan ah uu koobkii ugu horeeyey kula guuleysto isagoo tababare ah kooxda Barca.
laakiin shirka jaraa’id ee uu qabtay kahor kulanka ayuu Vilanova waxa uu ku adkeystey in ay goolal dhalin doonaan kulanka caawa.
“Si aan ugu guuleysano Super Cup waa inaan goolal ka dhalinaa Madrid,hadii kale koobka waan lumin doonaa,”ayuu yiri kaaliyihii hore ee Pep Guardiola. “Haddii aan sii wadi weyno inaan kubbada haysano dhibaato ayaan la kulmi doonaa.”
Inkastoo uu haysto fursad ka wanaagsan kan kooxda ka soo horjeeda isla markaana loo tirinayo inay kooxdiisu koobka ku guuleysan doonaan ayuu Vilanova dhayalsanayn howsha hortaala ciyaaryahanadiisa.
“Waan ognahay sida ay u dhib badan tahay in aan ku ciyaaro Bernabéu, waxay u soo bixi doonaan inay goolal dhaliyaan iyagoo weerar xoogan soo qaadaya daqiiqadaha ugu horeeyaba.
Tababare Vilanova ayaa waxa uu sheegay in Kabtan Carles Puyol aysan suurtogal ahayn in uu ciyaaro isagoo weli ka soo kabanaya dhaawac ka soo gaaray wajiga.
“Tababarka ayuu qaatay waxana uu iska ilaalinayay in wajigiisa ay wax soo gaaraan, waxaan go’aansan doonaa inuu ciyaarayo iyo in kale haddii ay taqaatiirta fasaxaan dabcan wuu ciyaari doonaa haddii kale oo ay diidaana taladooda ayaan raaci doonaa.”
Vilanova ayaan weli go’aan ka gaarin in Alex Song uu ciyaari doono kulanka Clasico waxana uu sheegay in Song uu u baahan yahay in uu la qabsado qaab ciyaareedka Barcelona.
Tababarahan 42jirka ah ayaa waxa uu sheegay in ciyaaryahanada Ibrahim Afellay, Andreu Fontas iyo Jonathan dos Santos uu ku faraxsan yahay in ay la sii joogaan balse waxa uu ka digey in saddexda laacib aysan heli doonin fursado badan oo ay ciyaaraan xilli ciyaareedkan.