
Arsene Wenger waxa uu isku dayayaa inuu heshiis cusub la saxiixdo Bacary Sagna kadib markii uu dhowaan weerar afka ah ku qaaday Arsenal.
Sagna waxa uu su’aal ka keenay mustabalkiisa Arsenal kadib markii uu aad uga carooday iibinta ciyaaryahanada ugu wanaagsan ee kooxda iyo iyadoo aan kooxda wax koobab ah ku guuleysan taasoo shaki gelisey mustaqbalkiisa kooxda.
Balse tababare Wenger iyo madaxda kooxdaba waxa ay si degdeg ah u bilaabayaan wadahadal ay la galayaan Sagna kaasoo heshiiska uu kooxda kula joogo uu dhacayo 2014.
Kieran Gibbs oo sidoo kale labo sano ugaga harsan tahay heshiiska uu kula joogo kooxda ayaa loo kordhin doonaa heshiiska uu kula joogo kooxda iyadoo kooxda ay isku dayi doonto in ay ka fogaato sidii ku dhacday Robin van Persie oo qasab ku noqotay inay iska iibiso.
Sagna oo la rajaynayo in uu bisha soo socota uu si wanaagsan uga soo kabto jab ka soo gaaray lugta markii labaad bishii May ayaa yiri “Waan filayay Robin Van Persie inuu baxayo, dhammaanteen waan ogeyn oo waa ay iska cadeyd, balse Alex? Waxa ay ahayd mid la yaab leh.
Waa 24jir, saddex sano ayaa uga harsanayd kunturaadiisa,illaa hadda ma fahmin.waxa ay tahay khasaare weyn oo soo gaaray kooxda. Marka labada laacib ee ugu wanaagsan la iska iibiyay xilli ciyaareedkii hore.waxaad isweydiinaysaa su’aalo badan.
“Mararka qaar taageerayaasha ayaa wadooyinka iigu yimaada, waan fahmi karaa inay careysan yihiin. Anigana iyagaan la mid ahay.wax walba ma fahamsani.
“Arsenal, marka aad ka soo laabato fasaxa oo aad isu diyaariso ciyaaaraha waxaad arkaysaa labo ciyaaryahan oo ka tegeysa xilli ciyaareedkiina wuu iska sii socdaa.
“Waa sidaa illaa iyo intii aan kooxda imid, waana la qabsanay. Weliba waxaan ahay ciyaaryahanka kaliya ee ka haray 11kii ciyaaryahan ee u ciyaaraysay Arsenal sanadkii 2007dii.
“Bishii May, waxaan daawaday wadooyinkana lagu soo bandhigey. Waxaan arkay Samir iyo Gael oo kor u haya koob, waanu ka maseyrnay, dhamaadka xilli ciyaareedka hal sano ayaa iigaga hari doonta kunturaadayda.”