
Walcott ayaa dhaawac uu ka soo gaaray tababarkii shalay, waxaana tababare Roy Hodgson uu qirtay inuu shaki ku jiro inuu ciyaari karo kulanka Ukraine. Hodgson ayaase sheegay in dhaawaca Walcott uusan aheyn dhibaato ku cusub, balse uu ahaa dhaawac ku qasbay ciyaaryahanka inuu ka baxo garoonka tababarka.
Dhinaca kale 35 jirka Shevchenko ayaa isna dhibaato ay ka heysataa jilibka bidix, ka dib markii uu taakalo kala kulmay kulankii ay 2-1 kaga badiyeen Sweden.
Shevchenko ayaa dhaliyay labadii gool ee xulkiisa uu ku garaacday Sweden, waxaana uu ciyaaray kulankii ay guuldarada ka soo gaartay France, lakiin waxaa laga yaabaa inuu seego kulanka England.