
ay ku soo galeyso suuqa kala iibsiga ka dib markii ay sabitidii si rasmi
ah u la wareegeen daafacii kooxda AC Milan Thiago Silva. Waxa ay ku iibsadeen
lacag lagu sheegay 42 milyan euro oo barbareyneysa rikoorkoodii suuqa kala
iibsiga ee xagaagii hore ay ku iibsadeen Javier Pastore, waxaana ay fariin u
direysaa kooxaha waa weyn ee yurub ka dhisan.
Thiago Silva ayaa haatan galay taariikhda daafacyada abid ugu qaalisanaa caalamka, inkastoo sidoo kale ay Real Madrid, Barcelona, Chelsea iyo United ay
iyagana qeyb ka yihiin kooxaha iibsaday daafacyo ku fadhiya lacag qaali ah.
Laacib.net waxa ay fiirineysaa 10ka daafac ee ugu khaalisan kubada cagta abid.
10. DMYTRO CHYGRYNSKIY – Shakhtar Donetsk to Barcelona (2009) - €25
Ciyaaryahankan oo ka soo bixi waayay wixii laga rabay markii uu Barcelona ku biiray ayaa dad badan ay su’aal ka keeneen qiimaha
ay ku iibsatay Barcelona. Hal sanno ka dib isagoo saftay kaliya 14 kulan waxaa lagu dib looga iibiyay kooxda Shakhtar oo ku iibsatay 15 milyan euro.
10= DAVID LUIZ� - Benfica to Chelsea (2011) - €25m
David Luiz ayaa saameyn degdeg ah ku yeeshay Chelsea markii uu ku soo biiray, waxaana uu noqday ciyaaryahan ay taageerayaasha
Stamford Bridge jecel yihiin, gaar ahaan waxa ay aad u jeclaadeen goolkii uu ka dhaliyay horyaalka kooxda Manchester United. Shaki ayaa laga qabay
awoodiisa uu wax ku difaacan karo, lakiin waxa uu Luiz qeyb ka ahaa kooxda Blues oo bishii May ku guuleysatay Champions League.
9. RICARDO CARVALHO – Porto to Chelsea (2004) - €27m
Lacagtii xooganeyd ee ay Chelsea suuqa kala gelisay xagaagii 2004 ayuu ku yimid Carvalho, lakiin waxa uu dhaqso ka mid noqday
wadnaha daafaca ee ciyaartoydii abid ugu guulaha badnaa taariikha kooxda. Seddex Premier League, seddex FA Cup, labo League Cup, labo Community Shields iyo final
Champions League ayaa ka mid ahaa waxyaabihii uu shaqeystay lixdii sanno ee uu ku qaatay kooxda Chelsea ka hor inta uusan ku biirin Real Madrid.
8.� JOLEON LESCOTT – Everton to Manchester City (2009) - €27.5m
Tababaraha kooxda Everton David Moyes ayaa sameeyay mid ka mid ah suuq geyntii ugu sareysay markii uu ku qasbay in Manchester City ay 27.5 milyan euro ka bixiso daafacii hore ee Wolves 2009kii. Lescott ayaa
markii hore boos ka heli waayay kooxda lakiin markii Kolo Toure la ganaaxay December 2010kii ayuu noqday mid ka mid ah ciyaartoyda joogtada ah ee Sky Blues,
waxaana uu qeyb ka ahaa kooxdii City ee xilli ciyaareedkii hore ku guuleysatay Premier League.
4= LILIAN THURAM – Parma to Juventus (2001) - €30m
Ka dib markii Juventus ay ka iibisay Zinedine Zidane Real Madrid lacag rikoor aheyd oo gaareysay 73.5 milyan euro xagaagii
2001, kooxda waxa ay bilowday inay lacag xoogan geliso suuqa kala iibsiga, waxaana ay lacag xoogan ku soo iibsadeen Lilian Thuram oo markaasi ka dib
halyeey ka noqday Turin isagoo afar horyaal la qaaday kooxda muddo shan sanno gudaheed ka hor inta uusan u dhaqaaqin Barcelona.
4= ALESSANDRO NESTA - Lazio to AC Milan (2002) - €30m
10 sanno ka dib markii uu ka soo dhaqaaqay caasimada Talyaaniga oo uu tagay Milan, Nesta waxa uu aaqirkii u dhaqaaqay Montreal xagaagan isagoo ka mid ah halyeeyadii soo maray Rossoneri. Labo
Champions League oo ay wehliyaan labo horyaal ayuu Nesta la qaaday Milan markii uu lacag xoogan kaga soo dhaqaaqay Lazio 2002dii.
4= PEPE – Porto to Real Madrid (2007) - €30m
Ciyaaryahanka reer Portugal ayaa noqday mid ka mid ah tiirarka ay ku taagan tahay Real Madrid ka dib shan sanno markii uu kaga soo biiray FC Porto. Waxaana uu Los Blancos la qaaday xilli ciyaareedkii la
soo dhaafay horyaalka La Liga. Inkastoo intii Bernabeu joogay ay soo wajaheen caqabado badan oo ay ka mid tahay ganaax iyo dhaawac.
4= FABIO COENTRAO – Benfica to Real Madrid (2011) - €30m
Isagoo ka mid ahaa ciyaartoyda ay ku tashato Benfica, waxa uu sidoo kale isku soo saaray koobkii adduunka ee Portugal ay ka qeybgashay 2010kii. Qaab ciyaareedkiisii fiicnaa waxa uu sii watay xilli
ciyaareedkii 2010-11 taasoo keentay in lala xiriiriyo Bayern Munich iyo Real Madrid, iyadoo Los Blancos ay aaqirkii ku guuleysatay saxiixiisa.
3.� DANI ALVES – Sevilla to Barcelona (2008) - €35.5m
Ka dib markii uu ka dhex muuqday Sevilla, Alves waxa uu qeyb ka noqday lacag xoogan oo Barcelona ay ku soo dalbatay taasoo u
ogolaatay inuu u dhaqaaqo Camp Nou, waxaana uu markaasi ka dib noqday mid ka mid ah ciyaartoyda daafaca midig ee ugu fiican adduunka.
2. THIAGO SILVA� - AC Milan to Paris Saint-Germain (2012) - €42m
Waxa uu hore u sheegay inuu donayo inuu la sii joogo Milan muddo aad u dheer, xitaa waxa uu gaaran inuu ku riyoodo inuu maalin uun kabtan u noqdo Milan. Lakiin sannad ka dib markii Barcelona ay ku dhawaatay
iyo bil ka dib markii Berlusconi uu ka horistaagay inuu ku biiro PSG ugu danbeyn
42 milyan euro ay ka dhaqaajisay magaalada fashion-ka ku caan baxday ee Milan una dhaqaajisay caasimada fashion-ka ee Paris.
1. RIO FERDINAND - Leeds to Manchester United (2001) - €46m
Lacagta sarifaada ee ginni iyo Euro ayaa laga yaabaa inay tirada ka dhigtay mid aad u
badan, lakiin Manchester United waxa ay ciyaaryahanka daafaca ah kaga soo
qaadatay Leeds lacag aaqirkeed isku aheyd 33.1 milyan ginni. 11 sanno ayuu shaqo
wacan u haayay kooxda Man United waxaana uu soo noqday kabtanka kooxda isagoo
kor u qaaday 2008dii Champions League oo ka mid ah 12ka koob ee uu la qaaday Red
Devils.