
32 jirkaan oo Everton kaga soo biiray Milwall 2004tii ayaa ka mid noqday ciyaartoyda loogu jecel yahay Goodison Park, isagoo dhaliyay 56 gool 226 kulan oo uu u saftay.
Cahill ayaa ku dhibtooday inuu gool dhaliyo xilli ciyaareedkii hore, si kastaba, isagoo seddex gool kaliya dhaliyay ciyaaryahanka reer Australia ayaa qirtay inay farxad u tahay inuu koox cusub la bilowdo.
Waxa uu u sheegay website-ka Red Bulls: “Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan cutub cusub la bilaabo New York Red Bulls. Sida aan soo aragnay sannadihii u danbeeyay MLS horumar ayay sameynayeen waxaana ay noqonayaan horyaal adag iyadoo ay joogaan ciyaartoy tayo leh”.
Cahill ayaa ka garab ciyaari doona xiddigii hore ee Arsenal Thiery Henry.