
Sergio Busquets iyo Andres Iniesta ayaa dhawaan ka hadlay jaceylka ay u qabaa ciyaaryahanka reer Cameroon markii wax laga weydiiyay awoodiisa, lakiin tababaraha cusub ayaa ka fogaaday inuu ka hadlo ciyaaryahan ay leedahay koox kale.
“Ma jecli inaan ka hadlo ciyaaryahano aan qeyb ka aheyn kooxda Barcelona. Ixtiraam la’aan ayay ku noqoneysaa kooxaha kale hadii aan ka hadalno ciyaartoy aan Barcelona joogin” ayuu Vilanova u sheegay suxufiyiinta.
“Ciyaaryahan kasta oo yimaada waa inuu noqdaa mid fiican, taas ayaana muhim ah. Ma jiro wax lagu degdegayo”.
Song, oo haatan 24 jir ah ayaa noqday ciyaaryahan muhim ah tan iyo markii uu Arsenal kaga soo biiray Bastia August 2005.
Qandaraaskiisa Arsenal ayaa waxa uu dhacayaa xagaaga 2015.