
Wareysi uu siiyay France Football oo maanta la daabacay ayaa Mourinho uu ku sheegay in Real Madrid ay tahay Spanish Champions, halka Chelsea ay tahay European Champions, laakiin Barca aysan aheyn midkoodna.
“Chelsea waa horyaalka yurub, Real Madrid waa horyaalka Spain, Barcelona waa horyaalka adduunka” ayuu kaga jawaabay Vilanova oo soo qaatay in kooxdiisa ay tahay World Champions madaama ay ku guuleysteen Club World Cup.
Tababaraha ayaa sidoo kale ka hadlay wararka la isla dhexmarayay beryahan ee ku aadan in Barcelona ay video ka sameysay ficilada xun xun ee daafaca Real Pepe.
“Ma jiro wax video ah. Kaliya ciyaaraheena ayaan ka hadalnaa, kama walwalno ciyaaryahano kale. Waa been. Arinta jirta ayaa ah 15 maalmood ayaan kubad horyaal la ciyaarin, dadka wixii ay doonaan ayay iska sheegaan.”