
doono weeraryahanka koowaad ee Chelsea ay ku soo shirtagi doonto xilli
ciyaareedka soo socda.
Torres ayaa ku guuldareystay inuu ka soo baxo wixii laga filayay tan iyo markii uu
lacag rikoor ah oo gaareysa 50 milyan ginni uu kaga soo wareegat Liverpool
Janaayo 2011dii, waxaana uu xilli ciyaareedkii hore u fadhiyay inta badan Didier
Drogba.
Iyadoo haatan uu Drogba uu u shiraacday China, Torres ayaa la filayay inuu noqon doono
dooqa koowaad ee weerarka kooxda Chelsea xilli ciyaareedka soo socda.
Si kastaba, Di Matteo ayaa sheegay in Torres uusan filan Karin in si toos ah
gacanta loogu geliyo inuu ku bilowdo booska weerarka madaama uu baxay
Drogba.
“Waxaan heysanaa seddex weeraryahan haatan, mana sheegi karo cida ciyaari doonta”. Ayuu
RDM yiri sida ay sheegtay Sky Sports.
“Waa inay u dagaalamaan booskooda, waxaana jiri doona tartan nadif ah. Ciyaaryahankii
ku jira qaab ciyaareedka ugu fiican islamarkaana kooxda si fiican u caawin kara
ayaana ciyaari doona”.