
Xagaagii labaad oo isku xiga ayaa Modric si aad ah loola xiriirinayaa inuu ka dhaqaaqayo White Hart Lane, iyadoo kooxda reer Spain ee Real Madrid lagu soo waramayo inay hogaamineyso doonista 26 jirkaan. Si kastaba ma jirto koox xiiseyneysa ciyaaryahanka oo soo bandhigtay lacagta ay Spurs ku qiimeyneyso kubadsameeyaheeda.
Villas-Boas oo ka hadlayay arinta ciyaaryahankii hore ee Dinamo Zagreb ayaa yiri:
“Si gooni ah ayuu tababar u qaadanayaa weli, waa muhim in Luka uu dareemo in maskax ahaan uu diyaar u yahay inuu ku soo laabto tababarka kooxda koowaad. Waa muhim sababtoo ah ciyaartoyda kale ee kooxda waxa ay taagan yihiin heerka kale marka laga hadlaayo diyaargarowgooda iyo sida ay diirada u saarayaan”.
Waxa uu intaas ku daray isagoo u hadlayay Sky Sports News: “Ciyaaryahanka waa inuu fahmaa in kooxda aysan waxba ka sameyn Karin dalabyada kooxaha kale, waxaan leenahay qiimo iyo faa’ido aan dooneyno inaan difaacano, waxaana sugeynaa in lala yimaado dalab u qalma ciyaaryahanka”.
“Waxaan isku dayyanaa inaan xalino arintaan sida ugu dhaqsiyaha badan, sida iska cad waa markii labaad oo uu xaaladaan oo kale marayo Luka”.