
Xiriirka kubada cagta Yurub ayaa si degdeg ah kaga jawaabay eedeyn ku saabsan in fal cunsurinimo ah lagula kacay Mario Balotelli iyadoo moos lagu soo tuuray garoonka dhexdiisa kulankii ku dhamaaday barbaraha eek a dhacay Poznan.
Taageerayaasha ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inay isku jiibinayeen hadalo cunsurinimo ay ku dheehan tahay sida dhawaaqa uu sameeyo daanyeerka iyagoo u la jeeda ciyaartoyda midabkooda madowga uu yahay.
Balotelli ayaa hore u sheegay inuu dili doono qofkii moos ku soo tuura, islamarkaana uu garoonka bixi doono hadii uu maqlo hadalo cunsuri ah, lakiin taasi ma aysan dhicin maadaama uusan maqlin eedeynta haatan lagu heysto Croatia.
19ka bishaan ayaa UEFA ay go’aan ka soo saari doontaa dacwadan loo heysto Croatia.