
Xiriirka kubada Jarmalka ayaa lagu ganaaxay 10 kun euro ka dib markii taageerayaasha Jarmalka ay qashin ku soo tuureen ciyaartoyda Portugal dhowr jeer oo qeybtii hore ee ciyaartaas ah.
Taageerayaashooda ayaa sidoo kale bomka qiica dhaliya ka soo tuuray taribuunka, waxaana dhowr jeer garoonka looga sheegay taageerayaasha inaysan sidaasi sameynin.
Portugal ayaa iyagana la ganaaxay kala bar lacagtaas madaama ay ka soo daaheen xilligii kubada la baasi lahaa qeybtii labaad ee ciyaartii ka dhacday Lviv.
Sharcigan soo daahitaanka oo ah mid aan hore loo arag ayaa dhawaan ay UEFA dhaqan gelisay iyadoo Manchester City lagu ganaaxay 30 kun euro madaama ay hal daqiiqo ka soo daaheen xilligii la bilaabi lahaa kulankii Europa League ee Sporting Lisbon.