
tahay inay u dhaqaaqdo daafacii hore ee Inter Milan, sida ay ogaatay shabakada
Goal.com.
Daafaca dhexe ee Brazil ayaa kansalay qandaraaskiisii Nerazzurri, ka dib markii uu
koooxda u sheegay inuu u baahan tahay tartan cusub.
Waxaa markii hore soo baxayay warar xan ah oo sheegaya in heshiiska uu Inter kaga
tagay inay ku jirto inuusan u ciyaari Karin koox kale oo ka dhisan Serie A,
lakiin waxaa haatan la cadeeyay in wax sharuud ah aysan ku xirneyn ka tagistii
uu ka tagay Inter.
Lucio ayaa sidaasi darted u banaan inuu ku biro koox kale oo Serie A ah, waxaana
agaasimaha guud ee Juventus Giuseppe Marotta uu doonayaa inuu la soo wareego 34
jirkaan daafaca ka ciyaara.
Bianconeri ayaa aad u dooneysa inay ku soo darto daafaceeda qof qibrad weyn leh madaama ay
isku diyaarinayaan ku soo laabashadooda Champions League xilli ciyaareedka soo
socda,. Waxaana Lucio ay u arkaan mid muhim u ah daafacooda dhexe isagoo u
fadhin kara daafacayada haatan ee kooxda.
Daafacan ayaa sidoo kale lala xiriiriyay Fenerbahce iyo Malaga, lakiin Juventus ayaa la
rumeysan yahay inay ugu cadcadahay inay soo xerogeliso ciyaaryahankii hore ee
Bayern Munich.