
Halyeeyga lagu naaneeso Pinturicchio ayaa goolkiisii ugu horeysay ee horyaalka A-League dhaliyay maalinta kulankii kooxdiisa ay guuldarro 3-2 ka soo gaartay kooxda Newcastle Jets, iyadoo Emile Heskey uu isna goolkiisii ugu horeysay ku dhaliyay Australia.
Del Piero ayaa u barbareeyay Sydney bartamihii qeybta hore ee ciyaarta, isagoo lagu qalad ka dib laadkii xorta ahaa ee uu tuuray shabaqa ku hubsaday.
Waxaana ay keentay in taageerayaasha martida loo ahaa ay hal mar wada kacaan, islamarkaana afka labadiisa ay dhawaaqaan, gaar ahaan madaama ay aheyd kulankii ugu horeysay ee rasmi ah ee Alex uu ku ciyaaro garoonka Allianz Stadium.
Halyeeygii hore ee Juventus ayaase guuldarro labaad oo isku xigta ka badbaadin waayay kooxdiisa Sydney FC.