
Vidic, ayaa lagu qasbay inuu taribuunka ka soo daawado isagoo la maqnaa dhaawac halis ah, xilli City ay ku hor qaaday horyaalka kooxda ay deriska yihiin, waxaana uu haatan diyaar u yahay inuu hogaamiyo daafaca danbe ee kooxda xilli ciyaareedka cusub.
“Qaar badan oo ciyaartoy da’ yar ah ayaa inoo ciyaaray kulamo badan xilli ciyaareedkii hore, wax badan ayayna barteen. Dhamaanteen ayaan baranay” ayuu yiri Vidic.
“Yurub waxaan ku laheyn guulo badan sannadihii u danbeysay, waxaan gaarnay seddex jeer final iyo semi-final, waxaa laga yaabaa inaan xilli ciyaareedkii hore waxoogaa isdhiganay. Waana nala ciqaabay, mana ogolaan doono inay sidaasi dhacdo mar kale. Sidoo kale dhaawacyo ayaa na hareeyay xilli ciyaareedkii hore. Waxaan rajeynayaa in qof walba uu taam ahaado xilli ciyaareedkaan. Ciyaartoyda da’da waxa ay cashar ka baran karaan sannadkii hore, sidaasi darteed kalsooni ayaan ku qabaa inaan sannadkaan ka fiicnaan doono sidii hore”.
Ka dib sideed bilood oo uu ka soo kabsanayay dhaawac Vidic ayaa ugu danbeyn ku soo laabtay garoomada kulankii United ay barbaraha goolal la’aanta la gashay kooxda reer Norway Valerenga axadii.
Kooxda Sir Alex Ferguson ayaa caawa kulan la sugi la’ yahay waxa ay Gothenburg kula ciyaareysaa kooxda Barcelona, waxaana uu Vidic qabaa in kulankaan uu muhim yahay ka hor kulankooda furitaanka Premier League ee ay 20ka August la ciyaarayaan Everton.