Dani Alves ayaa hogaanka u dhiibay kooxda Catalans ka dib ciyaarta oo socota shan daqiiqo, lakiin Toglay Arslan ayaa u barbareeyay kooxda martida loo ahaa bartamihii qeybta hore ee ciyaarta. Barca ayaa hogaankeeda soo ceshatay ka hor dhamaadkii qeybta hore ee ciyaarta iyadoo gool uu u dhaliyay weeraryahanka da’da yar ee ay dooneyso Liverpool Gerard Deulofeu, waxaana guushooda difaacdeen qeybtii labaad iyagoo inta badan kubada iska heystay.
Xiddiga reer Argentina Lionel Messi ayaa kulankaan ku seegay dhaawac muruqa ah oo ka soo gaaray garoonka tababarka, waxaana Hamburg oo u dabaaldegeysay sannadguuradeedii 125aad ay ka goosatay Barcelona 400 kun euro oo ka mid aheyd 1.2 milyan euro oo kooxda Catalans lagu siinayay ka qeybqaadashada ciyaartaan.
Barcelona ayaa wajihi doonta Reja Club Athletic ciyaartooda xigta ee saaxiibtinimo maalinta sabtida ee 28ka June.