
Vilanova oo maskaxda ku haya kulanka Axada ay la yeelanayso kooxdiisa Osasuna ayaa waxaa uu difaacay goolhayihiisa Valdes.
Kooxda Catalans ayaa lugta labaad ee tartanka koobka Supercupka waxay booqanaysaa Madrid iyadoo wadata guul 3-2 ah taasoo ka dhigeysa inay shaqo badan u baahan tahay inay qabato kadib markii goolkii labaad ee laga dhalyo uu ahaa mid ku dhashay qalad ka yimid goolhaye Valdes.
Si kasta ha ahaatee, isagoo Vilanova ka hadlayay shir jaraa’id ayaa waxa uu sheegay in arrinta Valdes laga badbadiyey waxana uu xusuusiyey dadka dhaliilay Valdes doorka uu ku lahaa guushii ay gaareen Barca saddex horyaal oo La Ligaha oo isku xigxigay oo ay ku guuleysteen laga soo bilaabo 2009 illaa 2011.
“Waxay ila noqotay la yaab markii Victor shaki la geliyey iyadoo aynu ognahay in saddex horyaal ku guuleysanay isagaana mudan in loogaga mahadceliyo,” ayuu yiri tababaraha Barca. “Waxaan arkay isagoo si wanaagsan u ciyaaraya illaa iyo hadda xilli ciyaareedkan,Maskax ahaana aad ayuu u wanaagsan yahay.”
Sidoo kale Vilanova waxa uu difaacay ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee Alexis Sanchez kaasoo kulankii khamiista uusan si wanaagsan uga dhex muuqan garoonka Camp Nou.
“Waxan qiryaa inuusan si wanaagsan u ciyaarin haeenkii khamiista, balse wuu ka soo baxay waajibaadkiisa taana waa ay na caawisay,”
Vilanova isagoo ka hadlay kulanka ay ugu safrayaan Osasuna ayaa waxaa uu sheegay in kooxda ay la kulmayaan tahay koox adag oo aad isugu xiran waxana uu soo xusuustay xilli ciyaareedkii hore markaa oo ay kooxda Barca kala soo noqotay guuldarro 3-2 ah garoonka Reyno de Navarra waqtigaa oo uu Vilanova ahaa kaaliyaha Guardiola.
Vilanova ayaa waxa laga yaabaa inuu garoonka soo geliyo Alex Song balse waxa uu kula taliyay laacibkii hore ee Arsenal in uu si wanaagsan u diyaar garoobo kahor inta uusa u safan kooxda Barcelona oo guul ku bilaabatay tartanka La Ligaha.