
Sportsmail ayaa markii ugu horeysey shaacisey in kooxda Newcastle ay xiiseyneyso Anita oo 23 jir ah kana ciyaari kara qadka dhexe iyo daafaca bidxeed.
Waxaana kooxda Ajax ay hore u diidey in ay ciyaaryahankaas ka bixiso lacag dhan £5m bishii July.
Waqtigaas ayuu yiri wakiilka ciyaaryahankan in kooxda Newcastle ay dhab ka tahay sidii ay u heli lahayd ciyaaryahankan da’da yar, balse ay heshiis ka gaari doonaan labada dhinac.
Anita ayaa saddex kulan u saftay xulka dalkiisa ee Holland balse kama mid ahayn ciyaaryahanadii ka qeybgalay tartanka Euro 2012.
Si kasta ha ahaatee Anita ayaa qeyb weyn ku lahaa guusha ay ka gaartay kooxda Ajex horyaalka dalka Holland.
Tababaraha Ajax Frank de Boer ayaa aad u jeclaa in uu kooxda ku hayo laacibkan kadib markii kabtankii hore ee Ajax Jan Vertonghen uu ku biirey Tottenham.
‘Waxaan samayn doonaa wax walba oo kooxda ku hayn kara Vurnon waayo waa ciyaaryahan qiime leh.’ayuu yiri De Boer bishii July ee sanadkan.
Anita ayaa kulankiisii ugu dambeeyey u saftay kooxda Ajax Axadii ciyaar ay ku kulmeen kooxda AZ Alkmaar waxaana lagu wadaa in uu maanta u maro baaris caafimaad kooxda Newcastle.