
Inkastoo kabtanka Chelsea uu si qarsoon u sheegay inaysan cadaalad sameynin gudigii madaxa banaanaa ee baaritaankooda ku ogaaday in Terry uu cunsurinimo kula kacay Anton Ferdinand, ayaa haatan u muuqda inuu aqbalayo ciqaabtii la duldhigay halkii uu racfaan ka qaadan lahaa islamarkaana ay arinta iska sii daba dheeraan laheyd.
Terry waxa uu heystaa ilaa iyo jimcaha isbuuca soo socda inuu ku go’aansado inuu racfaan qaadanayo ama inuu bilaabayo ganaaxii afarta kulan ee la duldhigay.
Waxaa la fahamsan yahay in laga dhaadhiciyay inuusan riski gelinin inuu sii balaariyo dagaal uusan ku guuleysan karin, waxaana uu ku dhawaaqi doonaa sida la filayo maalmaha soo socda inuusan racfaan qaadan doonin.
Waxaana hadii uu sidaas sameeyo ay noqon doontaa inuu kabtanka Chelsea seego kulanka ay booqanayaan Tottenham 20ka October, iyo kulamada ay garoonkooda kula ciyaarayaan Manchester United horyaalka iyo Capital One Cup.