
Silva ayaa waxaa hadda u haray labo sano heshiiska uu kula joogo naadiga haysta horyaalka Premier League isagoo mushaar u qaata lacag dhan £130,000-toddobaadkiiba isagoo ku soo biirey labo sano kahor kooxda Etihad.
Ciyaaryahankan ka soo jeeda dalka haysta koobka adduunka iyo kan Yurub ee Spain ayaa doonaya in toddobaad walba la siiyo mushaar gaaraya £200,000 kaasoo la mid ah mushaarka ay kooxda siiso Yaya Toure iyo Carlos Tevez.
Hase ahaatee kooxda City ayaa diiday inay lacagta intaa gaareysa ay siiso Silva iyadoo eegeysa sharciyada u yaal UEFE ee ah sharciyada dhinaca maaliyadda ah.
City ayaa dooneysa in heshiis muddo dheer ah la gasho Silva maadaama uu kamid yahay ciyaaryahanada uu ku kalsoon yahay tababare Roberto Mancini.
Waxa la fahamsan yahay in madaxda kooxda City aysan diyaar u ahayn hadda in ay wadahadalo ka galaan heshiis kordhin maadaama uu bilowday xilli ciyaareedka.
Dhinaca kale kooxda Man City ayaa waxaa ay ka baqaysaa in maanta uu war aan wanaagsanaan ugaga yimaado magaaladaRome iyadoo lagu wado in uu shir jaraa’id qabto ninka ay dooneyso kooxda ee Daniele Di Rossi.
Kooxda ayaa ka baqaysa in De Rossi uu ku dhowaaqo in uu doonayo in uu la sii joogo kooxda Roma uuna diido in uu u wareego kooxda haysata horyaalka Premier League.
Balse kooxda City ayaa waxaa ay qorsheyneysaa in heshiis la gaarto maalmaha soo socda weeraryahanka garabka ka ciyaara ee kooxda Swansea Scott Sinclair kaasoo ay ku dooneyso in ay kula soo wareegto lacag dhan £5million