
Ciyaaryahanka reer Wales ayaa dhaawac kaga baxay ka dib markii uu taakal xun kala kulmay Adam ciyaartii saaxiibtinimo ee goolal la’aanta ku dhamaaday ee Reds iyo Spurs, iyadoo Adam uu sidoo kale hore u dhaawacay Bale sannadkii hore.
Bale ayaa ku tilmaamay Adam inuu yahay doqon, ka dib isku dhacoodii ugu danbeeyay, lakiin wakiilka Adam Kenny Moyes ayaa sheegtay in hadalkaas oo kale inuu yahay mid aan loo dulqaadan Karin.
Sida laga soo xigtay Daily Star, Moyes ayaa yiri: “Uma qalmo in loo jawaabay sababtoo ah qof walba waa ogyahay in Charlie uusan aheyn ciyaaryahan sidaas oo kale ah. Qof walba oo kubada cagta ciyaara waa ka warqabaa inuusan aheyn dilaa ama wax la mid ah”.
“In qof uu sidaas uga hadlo waa wax aan la aqbali Karin. Ciyaal iskuulnimo ayay ku aheyd inay sidaasi u hadlaan”.
Bale iyo tababaraha Tottenham ayaa ku baaqay in raaligelin laga bixiyay taakalkaas ciyaarta ka dib, lakiin Tottenham ayaaba war wanaagsan heshay oo ah inuusan Bale soo gaarin dhaawac halis ah.
Waxaana 23 jirkaan uuba ciyaaray kulankii xalay ee saaxiibtinimo ee ay kooxdiisa la ciyaartay kooxda New York Red Bulls, isagoo ka caawiyay inay 2-1 kaga badiyaan kooxda ay ciyaaraan ciyaartoyda ay ka mid yihiin Tim Cahill iyo Henry.
Gareth Bale iyo Gylfi Sigurdsson ayaana labada gool u dhaliyay kooxda Spurs oo guul ku soo gabagabeysay socdaalkeeda ay ku mareysay Mareykanka.