
ciyaaryahan Rio Ferdinand ayaa ku eedeeyay tababare Roy Hodgson iyo xiriirka
kubada cagta Ingariiska FA inay xushmad darro kula kaceen ciyaaryahanka ka dib
markii ay iska indhotireen mar kale, markii uu dhaawac xulka uga baxay Gary
Cahill.
Roy Hodgson ayaa Gary Cahill ku bedelay ciyaaryahanka da’da yar ee kooxda Liverpool
Martin Kelly kaasoo labo daqiiqo kaliya u ciyaaray xulka England kulankiisii ugu
horeeyay ee heer caalami ee ay la ciyaareen dhawaan Norway.
Hodgson ayaa hore u sheegay inuu Ferdinand kaga soo tagay sababo la xiriira awoodiisa
kubada cagta ah, inkastoo la isla dhexmarayay inay ku sal leedahay xiriirka ka
dhaxeeya isaga iyo John Terry kaasoo ku eedeysan inuu cunsurinimo kula kacay
walaalkiis ka yar Anton Ferdinand.
Wakiilka Rio Ferdinand ahna saaxiibkiisa waqti dheer Jamie Moralee ayaa yiri: “Lampard,
Terry, Barry, Gerrard; dhamaantood waa ciyaartoy da’ ah, lakiin waxaa loo xushay
inay koobkaan ka qeybgalaan”.
“Muxuu Rio kaga duwan yahay iyaga? In sidaan loola dhaqmo ciyaaryahan kabtan u soo
noqday wadankiisa islamarkaana 81 kulan u ciyaaray waa sharaf dhac. Waa xushmad
darro ay sameeyeen Hodgson iyo FA-ga”.
Ferdinand ayaan isaga wax badan ka dhihin arintaan, lakiin markii uu soo baxay warka ku
aadan in Martin Kelly uu bedeli doono Gary Cahill waxa uu bogiisa Twitter ku
qoray “Waa maxay sababta?”.