
dhexmarin xiddiga kooxda AC Milan iyo kooxda PSG.
Warar badan oo soo baxayay maanta ayaa soo jeedinayay in heshiiska uu gabagabo ku dhow
yahay, lakiin wakiilka ciyaaryahanka reer Sweden ayaa qeexay inuusan jirin wax
heshiis ah oo ay gaareen labada dhinaca, islamarkaana wadahadalada ay
socdaan.
“In Ibrahimovich iyo PSG heshiis gaareen waxa ay u dhowdahay inta ay China u jirto
United States” ayuu Raiola u sheegay Sportmediaset.
“Weli heshiis ma dhicin. Ragiinaan Talyaaniga jooga waxaad doontaan ayaad iska
qoreysaan. In heshiis la gaaro wado dheer ayay inoo jirtaa. PSG waa inay ogaataa
inay la saxiixaneyso ciyaaryahanka u fiican sida Zlatan”.
“Waxaan maanta la kulmayaa Leonardo. Waa arki doonaa waxa dhaca”.
30 jirkaan weerarka ka ciyaara ayaa doonaya mushahar 14 milyan euro ah xilli
ciyaareedkii, taasoo ah in ka badan labo milyan euro mushaharka uu haatan ka
qaato Milan.