
Ronaldo ayaa shaaciyey kadib kulankii 3-0 ay ugaga badiyeen Granada in uusan ku faraxsanayn qaar kamid ah ciyaaryahanada kooxda taasoo dhalisey in ay suurtogal tahay in uu isaga tago Santiago Bernabeu.
Sida ay sheegayaan ilo ku dhow dhow Real Madrid ee ayna sheegeen Marca,Cadena COPE iyo Cadena SER, madax kamid ah kooxda ayaa kula xiriirtay Mendes taleefan si ay isugu dayaan inay helaan faahfaahin badan oo ku saabsan waxa uu tabanayo ciyaaryahanka reer Portuqal.
Hase yeeshee arrinta la yaabka leh ayaa timid kadib markii wakiilka Ronaldo ee Mendes uu sheegay inuusan la yaabanayn waxa dhacaya.
“Ma garanayo waxa aad ka hadlaysaa,”ayaa laga so xigtey in uu yiri wakiilka Ronaldo.
Mendes ayaa la fahamsan yahay inuu u sheegay Madrid in ay arrinta aysan joogin in Ronaldo uu ka tago kooxda balse isagu uu ogyahay in uu raali ka yahay ciyaaryahanka reer Portuqal in uu doonayo in uu saxiixo heshiis cusub sida ay labada dhinacba go’aansadeen xilli ciyaareedkii hore.
Ronaldo ayaa la sheegay in uu la hadlay Madaxweynaha kooxda Florentino Perez iyo Agaasimaha Guud Jose Angel Sanchez sabtidii markaas oo uu u sheegay in uusan ku faraxsanayn sida ay wax u dhacayaan.
Jose Mourinho ayaa loo malaynayaa inuusan waxba ka ogeyn kulanka dhex maray Ronaldo iyo madaxda kooxda Real Madrid kamana hadlin arrimahaas kadib kulankii Granada. Hase yeeshee Ronaldo ayaa walaaciisa waxa uu muujiyey wax yar kadib markii uu la hadlay Mourinho saxaafadda.