
Wararka ku saabsan suuqa kala iibsiga waxaa xuquuqdooda iska leh wargeysyada ku qoran, laacib.net kaliya waxa ay soo uruurisaa xanta ay wargeysyadan ka qoraan suuqa kala iibsiga.
INGARIIS:
Ciyaaryahan Romelu Lukaku ayaa si maldahan u sheegay in laga yaabo inuu ka tago Chelsea oo uu ku biiro deriskooda Fulham, hadii Blues ay ogolaansho u siiso inuu ku baxo heshiis amaah ahm, sidoo kale Everton ayaa xiiseyneysa. (The Times)
Tababare Andre Villas-Boas ayaa qiimeynaya halka niyada Luka Modric ay taalo ka hor inta uusan u ogolaanin inuu tababar la qaato kooxda inteeda kale, ka dib arimihii ku aadanaa xiiseyntiisa inuu u dhaqaaqo Real Madrid. (The Sun)
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Fulham Moussa Dembele ayaa waxa uu diirada u saran tahay kooxda Real Madrid, xiddigaan lagu qiimeeyo 10ka milyan ginni ayaa waxa uu sidoo kale soo jiitay kooxo badan oo ka dhisan Premier League. (The Sun)
Kooxda Chelsea ayaa 5 milyan ginni oo ay ku dalbadatay daafaca Marseille Cesar Azpilicueta laga soo diiday. Marseille ayaa 22 jirkaan daafaca ka ciyaara ku dooneysa 8 milyan ginni. (The Sun)
Rajadii United ay ka laheyd saxiixa Robin van Persie ayaa sarre u kacday ka dib markii Juventus ay bartanka ka gashay ganaax ku wajahan tababarahooda Antonio Conte oo isagu jira mid garoomada kaga maqnaanaya iyo lacagba. (Daily Mirror)
Kooxda Gunners ayaa rajo weyn ka qabta inay soo xerogeliso Santi Cazorla iyo Nuri Sahin 48da saacadood ee soo socota. Cazorla ayaa 20 milyan giini kaga soo tagi doona kooxda Malaga oo dhibaato dhaqaale ku jirta, halka Nuri Sahin la filayo inuu amaah ku yimaado Emirates Stadium. (The Times)
Kooxda West Ham ayaa isku dayaysa inay sameyso talaabo u muuqata inaysan macquul aheyn, iyagoo amaah ku dalban doona weeraryahankoodii hore ahna weeraryahanka Manchester City Carlos Tevez. (The Times)
Kooxda Manchester United ayaa looga adkaaday dagaalkii ay ugu jirtay saxiixa ciyaaryahanka Sao Paulo Lucas Moura, ka dib markii ay ceyrsashadiisa ku soo biirtay kooxda boorsada weyn Lucas Moura. (Daily Telegraph)
Ciyaaryahan Luka Modric ayaa la bilaaban doona xilli ciyaareedka cusub kooxda Tottenham, ilaa iyo Real Madrid ayt miiska soo saarto 40 milyan ginni sida uu sheegay Andre Villas-Boas. (Daily Mirror)
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Swansea Joe Allen ayaa ku dhow inuu heshiis lacag badan u saxiixo kooxda Liverpool. (South Wales Evening Post)
Kooxaha Barcelona, Chelsea iyo Real Madrid ayaa dhamaan wada doonaya xiddiga reer Brazil ee kooxda Santos Neymar. (Daily Express)
Kooxda Tottenham ayaa dooneysa goolhayaha reer Holland ee kooxda Roma Maarten Stekelenburg (Daily Mail)
Fulham ayaa isku diyaarineysa inay u dhaqaaqdo ciyaaryahanka dheeriga ku ah kooxda Arsenal Andrey Arshavin. (Metro)
ITALY:
Juventus ayaa isku dayaysa inay injineereyso heshiis ay kula soo wareegsyo daafaca kooxda Chievo Marco Andreolli. Andreolli oo 26 jir ah ayaa qiimahiisa lagu sheegay 4 milyan euro. (Gazzetta dello Sport)
Kooxda Inter Milan ayaa sarre u qaaday doonisteeda ciyaaryahanka kooxda Sao Paolo Lucas Moura. Iyadoo u adeegsaneysa lacagta ay ka heleyso maalgaliyayaalka reer China. Waxaana ay miiska u soo saari doonaan ciyaaryahanka dalab rasmi ah. (Corriere dello Sport)
Kooxda Lazio ayaa ceyrsaneysa daafaca kooxda Altletico Mineiro Rever. (Gazzetta dello Sport)
Roma ayaa diyaar u ah inay 10 milyan euro kula soow areegto daafaca dhexe ee kooxda reer Brazil Sap Paolo Luiz Rhodolfo. (Corriere dello Sport)
Kooxda Pescara ayaa ku dhow inay Wanderes of Montevideo kala soo wareegto Maxi Rodriguez. Waxaana qiimahiisa lagu sheegay 2 milyan euro. (Corriere dello Sport)
Kooxda Juventus ayaa laga yaabaa inay ku guuldareysato saxiixa kabtanka Arsenal Robin van Persie hadii tababarahooda Antonio Conte ganaax waqti dheer ah garka loo geliyo. (Football Italia)
Kooxaha Napoli iyo Inter Milan ayaa ku dagaalamaya saxiixa weeraryahanka kooxda Villarreal iyo xulka qaranka Talyaaniag Guiseppe Rossi. (Goal)
SPAIN:
Madaxweynaha kooxda Real Madrid Florentino Pérez iyo madaxweyne ku xigeenka AC Milan Adriano Galliani ayaa ku kulmi doona New York si ay uga wadahadalaan arinta Kaka. Ciyaaryahanka reer Brazil ayaa laga yaabaa inuu ku laabto kooxdiisii hore ee Milan. (Marca)
Tababare Jose Mourinho ayaa doonaya ciyaaryahan awoodiisa ay tahay mid gaar ah, waxaana booskaas ku soo baxaya Luka Modric. Nuri Sahin ayaan ka tagi doonin Madrid ilaa iyo inta Real ay kala soo wareegeyso ciyaaryahanka reer Croatia. (AS)
Barcelona ayaa la filaya in 48da saacadood ee soo socota ay dalab rasmi ah u gudbiso kooxda Arsenal oo ku aadan ciyaaryahan Alex Song, iyagoo sidoo kale isha ku haya arinta Javi Martinez. (Sport)
Kooxda Real Betis ayaa xiiseyneysa inay la soo wareegto daafaca reer Brazil ee kooxda Colonia Pedro Geromel. (Marca)
Weeraryahankii hore ee Real Sociedad Joseba Llorente, ayaa qarka u saran inuu amaah ahaan ugu biiro kooxda Osasuna. (Sport)
Didac Vila ayaa laga amaah ahaan kaga soo dhaqaaqaya Milan waxaana uu ku biirayaa Milan, lakiin wadahadaladii heshiiskaas lagu dhameyn lahaa ayaa haatan la qaboojiyay, (Marca)