
Wararka ku saabsan suuqa kala iibsiga waxaa xuquuqdooda iska leh wargeysyada ku qoran, laacib.net kaliya waxa ay soo uruurisaa xanta ay wargeysyadan ka qoraan suuqa kala iibsiga.
INGARIISKA:
Ciyaaryahan Santi Cazorla ayaa la kulmay saaxiibadiisa cusub ee Arsenal jimcihii, ka dib markii uu aqbalay inuu heshiis 20 milyan ginni uu kaga soo dhaqaaqo Malaga. (Daily Mirror)
Manchester City ayaa sarre u qaadeysa xiisaha ay u hayaan ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Roma Daniele de Rossi, iyagoo 20 milyan ginni u soo bandhigaya kooxda ka dhisan caasimada Talyaaniga. (Daily Mail)
Manchester United ayaa dooneysa inay 30 milyan ginni ku soo gabagabeyso heshiiska ay dooneyso inay kula soo wareegto xiddiga kooxda Sao Paulo Lucas Moura, inkastoo tartan adag ay kala kulmayaan Inter Milan. (Daily Mail)
Kooxda Liverpool ayaa wadahadalo kula jirta daafaceeda Daniel Agger iyagoo doonaya inay heshiis cusub la saxiixdaan sida uu sheegay wakiilkiisa. Manchester City iyo Barcelona ayaana xiiseynaya daafaca reer Denmark. (Daily Mail)
Ciyaar Steven Pienaar ayaa ugu baaqay in Everton aysan ka iibinin Leighton Baines kooxda Manchester United. (Guardian)
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee QPR Joey Barton ayaa ku dhow inuu heshiis amaah ugu biiro oo lix bilood ah kooxda Fleetwood, inkastoo uu beeniyay in wax heshiis ay dhaceen. (Daily Mail)
Kabtanka Arsenal Robin van Persie ayay u muuqataa inuu iska sii joogi doono Arsenal. Arsenal ayaa weli rajo ka qabta inuu aqbali doono heshiis cusub, iyadoo ciyaaryahanka uu go’aansaday inuu kooxda u raaco tababarka ay ku sameeynayaan Jarmalka isbuuca soo socda inkastoo Juventus ay xilli cayiman u qabsatay arinta ciyaaryahanka. (Daily Star / Daily Mail)
Juve ayaa ka bixi doonta dalabkeeda Robin van Persie hadii Manchester City ay hoos u dhigto qiimaha ay ku dooneyso weeraryahankeeda Edin Dzeko. (The Times)
Tababare Jose Mourinho ayaa u ogolaaday in ciyaaryahan Nuri Sahin uu heshiis amaah ugu biiri karo kooxda Arsenal. (Daily Mail)
Tababaraha kooxda Newcastle Alan Pardew ayaa u muqda inuu doonayo inuu Malaga kala soo wareego ciyaaryahan Jeremy Toulalan, lakiin Lyon ayaa sidoo kale xiiseyneysa. (Daily Mirror)
Kooxda Wigan ayaa dooneysa inay la soo wareegto ciyaaryahanka da’da yare e Arsenal ee reer Japan Ryo Miyaichi, iyagoo ku doonaya heshiis amaah ah, waxaana uu bedel u noqonayaa Victor Moses kaasoo ay u badan tahay inuu ku biiri karo Chelsea. (Daily Mirror)
Chelsea ayaa sarre u qaaday dalabkeedii ay ku dooneysay daafaca kooxda Marseille Cesar Azpilicueta ka dib markii laga soo diiday dalabkoodii 5.4 milyan ginni. Kooxda Faransiiska ah ayaa dooneysa 8.5 milyan ginni. (Daily Mail)
Ciyaaryahan Mathieu Debuchy ayaa si cad u sheegay inuu ka xun yahay in kooxdiisa Lille ay ka horistaagto inuu u dhaqaaqo kooxda Newcastle. (Daily Mail)
Wolves ayaa dooneysa inay Manchester City kala soo wareegto ciyaaryahan Stefan Savic. (The Sun)
Arsenal ayaa tartan kala kulmeysa Tottenham iyo Manchester City oo ku aadan saxiixa 17 jirka kooxda Caen M’Baye Nianghe Gunners face competition from Tottenham and Manchester City to sign Caen’s 17-year-old strike sensation M’Baye Niang. (Daily Mail)
Cardiff City ayaa wadahadalo la furatay Reds oo ku aadan sidii ay u la soo wareegi laheyd Craig Bellamy. (Metro)
ITALY:
Iyadoo laga yaabo in Leonardo Bonucci uu wajaho ganaax seddex sanno iyo bar ah, Juventus ayaa raadineysa bedelkiisa waxaana ay ku dhow yihiin inay heshiis la gaaraan daafaca kooxda Rubin Kazan ee dalka Talyaaniga SalvatoreBocchetti. (Gazzetta dello Sport)
Juventus ayaa sidoo kale ka warsugeysa soo xerogelinta weeraryahanka kooxda Fiorentina Stevan Jovetic kaasoo weli aan mustaqbalkiisa kala cadeyn. (Gazzetta dello Sport)
Kooxda Inter Milan ayaa ka sugeysa ciyaaryahanka reer Brazil ee kooxda Sao Paulo inuu aqbalo heshiiskooda, waxaana ay aaminsan yihiin in ciyaaryahanka uu ka dooran doono iyaga kooxda Manchester United, (Gazzetta dello Sport)
Kooxaha Milan iyo Juventus ayaa tartan waji ka waji ah isaga horimaanaya marka ay timaado saxiixa weeraryahanka reer Bosnia iyo kooxda Manchester City Edin Dzeko. (Corriere dello Sport)
Jose Mourinho ayaa arinta Kaka u daayay Allegri, isagoo sheegay inuu ku faraxsan yahay hadii uu baxo iyo hadii uu joogo. Taasoo ka dhigeysa in xiisaha Milan uu ay ku xiran tahay mustaqbalka kubadsameeyaha reer Brazil. (Corriere dello Sport)
Ciyaaryahanada Melo iyo Ziegler ayaa qarka u saran inay ka baxaan albaabka kooxda Juventus, iyadoo Juve ay sidoo kale isha ku heyso Bruno Alves. (Tuttosport)
Kooxda Villarreal ee dalka Spain ayaa iska dhego tirtay wararka la xiriirinaya ciyaaryahankeeda Giuseppe Rossi kooxda AC Milan. (Football Italia)
SPAIN:
Kooxda Barcelona ayaa garwaaqsatay inaysan haatan heli Karin xiddiga reer Brazil ee kooxda Santos Neymar, iyadoo tababare Tito Vilanova uusan sidoo kale u baahneyn ciyaaryahanka, waxaana uu suuqa ugu jiraa ciyaaryahankii uu ku buuxin lahaa booskii uu baneeyay Seydou Kieta. (Marca)
Ciyaaryahankii amaahda ku joogay Atletico Madrid Diego ayaan ku soo laaban doonin La Liga xilli ciyaareedka soo socda, waxaana uu joogi doonaa kooxda iska leh milkayadiisa ee Wolfsburg, inkastoo aysan u muuqan inuu u ciyaari doono madaama qilaaf uu kala dhaxeeyo. (Marca)
Tababaraha kooxda Tottenham Andre Villas-Boas ayaa ka dhaadhicinaya Luka Modric inuu sii joogo kooxda, inkastoo ciyaaryahanka reer Croatia uu indhaha ku hayo inuu u dhaqaaqo kooxda Real Madrid. (AS)
Barcelona ayaa rajo fiican ka qabta in Daniel Agger ay u soo jiido Camp Nou, madaama uu yaraantiisii ahaa taageere Barcelona ah. (Sport)