
Wararka ku saabsan suuqa kala iibsiga waxaa xuquuqdooda iska leh wargeysyada ku qoran, laacib.net kaliya waxa ay soo uruurisaa xanta ay wargeysyadan ka qoraan suuqa kala iibsiga.
ENGLAND:
Manchester United ayaa la filayaa inay u soo bandhigto Robin van Persie mushaharka la mid ah kan uu kooxda ka qaato Wayne Rooney, si ay u soo gabagabeeyaan saxiixiisa xagaagan. Iyadoo Manchester City ay u muuqato inay aqbaleyso in loogaga badiyay saxiixa ciyaaryahanka halka Juventus ay ka carareyso dalabkiisa mushaharka, United ayaa dooneysa inay dhaqso soo gabagabeyso heshiiska. Doonitaankooda ay ku doonayaan inay isbuucii ku siiyaan 220 kun ginni ayaa laga yaabaa inay RVP soo jiidato. (Daily Telegraph)
Tababaraha Arsenal ayaanse soodneynin inuu ku iibiyo Robin van Persie lacag ka yar 20 milyan ginni, waxaana uu ka dalban doonaa lacag ka badan 25 milyan ginni Ferguson iyo Man United United sababtoo ah Arsenal ma dooneyso inay ganacsi toos ah la sameyso koox ay ku xafiiltamaan Premier League. (Daily Mail)
Manchester City ayaa isha la raaceysa weeraryahanka reer Brazil islamarkaana diirada u saaran Tottenham Leandro Damiao oo 23 jir ah. Tottenham ayaa iyadana sidoo kale ka shaqeyneysa inay soo xerogeliso ciyaaryahankan oo muddo dheer diirada u saarnaa. (Daily Mail)
Man City ayaa dhegaha ay u taagan yihiin, iyadoo Scott Sinclair uu ka tagayo kooxda Swansea. Swans ayaa doonaya inay iska fasaxaan ciyaaryahanka ka dib markii ay ku guuldareysteen inay heshiis cusub ka saxiixaan. (The Sun)
Manchester City ayaa la weydiistay inay miiska soo saaraan 27 milyan ginni hadii ay doonayaan inay gacmaha ku dhigaan daafaca Liverpool Daniel Agger. Kaliya Reds ma dooneyso lacag ku dhow 27 milyan ginni sidoo kale waxa ay doonayaan in hal xilli ciyaareed amaah lagu siiyo Adam Johnson. (Daily Mirror)
Liverpool ayaa ku dhow inay Joe Allen ka dhigtaan saxiixoodii labaad ee weyn ee xagaagan ka dib markii ay doorteen inay bixiyaan lacagta ku xiran in lagu burburiyo qandaraaskiisa oo gaareysa 15 milyan ginni. (The Times)
Tababaraha Liverpool Brendan Rodgers ayaa xaqiijiyay inay wadahadal kula jiraan Cardiff City iyagoo u ogolaanaya inuu Craig Bellamy u dhaqaaqo South Wales. (The Times)
Kooxda Wolves ayaa iyadana soo diiday heshiis 150 kun ginni oo ay Liverpool ku dooneysay goolhayahooda Dorus de Viries. Wolve ayaa dooneysa hal milyan ginni. (Daily Mail)
Chelsea ayaa isku diyaarineysa in dalab la kordhiyay oo gaaraya 20 milyan ginni inay u soo bandhigaan kooxda Bayer Leverkusen oo ku aadan xiddigooda Andre Schurrle, iyadoo Roma n Abramovich uu sii wado soo xerogelinta ciyaaryahano da’ yar oo tayo leh. (Daily Mail)
Wakiilka ciyaaryahan Alvaro Pereira ayaa wadahadalo la geli doona kooxda FC Porto ka dib markii dalab la soo cusbooneysiiyay uu ka yimid Chelsea oo ku aadan daafaca garabka ka ciyaara kaasoo heshiiskiisa Porto lagu burburin karo 26 milyan ginni. (The Times)
Lucas Piazon, oo ah ciyaaryahan mustaqbal weyn ku leh Chelsea islamarkaana aad u da’ yar ayaa la filayaa inuu Roberto Di Matteo ku soo darro 25ka ciyaaryahan ee uu xilli ciyaareedkaan u magacaabayo inay ka qeyb qaadan doonaan Premier League, si uu kooxda u siiyo dareen koox da’ yar ah. (The Times)
Napoli ayaa kala xaajooneysa Chelsea ciyaaryahanka khadka dhexe ee lagu qiimeeyo 8 milyan ginni Raul Meireles. Halka ciyaaryahanka 19ka jirka Josh McEachran ay amaah ku doonayaan Blackburn iyo Bolton.
Kooxda Wigan ayaa xalay sugeysay hadii Chelsea ay dooneyso inay bixiso 9ka Milyan ee ay ku doonayaan Victor Moses. (The Times)
Tottenham Hotspur ayaa rajo ka soo yeelatay saxiixa Fernando Llorente ka dib markii weraryahanka Athletic Bilabo uu diiday inuu qandaraaska u kordhiyo kooxda reer Spain. Si kastaba ciyaaryahanka ayaa jecel inuu ka ciyaaro Champions League, Juventus ayaana xiiseyneysa 27 jirkaas. (The Times)
Real Madrid ayaa isku dayaysa inay ka iibiso Kaka AC Milan ka hor inta aysan isku daygeeda ugu danbeeya ee ay ku soo xiran gelin laheyd Luka Modric sameynin. Kooxda reer Spain ayaan weli la soo laaban dalab kale oo ka badan 25 milyan ginni. (The Sun)
Andre Villas-Boas ayaa wadahadal la yeeshay wakiilka goolhayaha Inter Julio Cesar, isagoo doonaya inuu adkeeyo shabaqiisa xilli ciyaareedka soo aadan. (The Guardian)
ITALY:
AC Milan ayaa ayaa hubineysa inuu diyaar yahay weeraryahanka reer Brazil Nene. Ciyaaryahanka kooxda PSG ayaa ahaa ciyaaryahankii ugu fiicnaa kooxda xilli ciyaareedkii, lakiin waxa uu haatan dheeri ku noqday kooxda ka dib imaanshiyaha Zlatan Ibrahimovic iyo Lavezzi. Booskiisa kooxda ayaa sii noqday mid halis ku sii jira ka dib markii kooxda ay la soo wareegtay Lucas Moura. (La Gazzetta dello Sport)
Rajadii ay Milan ka qabtay inay dib uga la soo wareegto Ricky Kaka kooxda Real Madrid xagaagan ayaa u muuqata mid sii yaraaneysa iyadoo Adriano Galliani uu qirtay inay inta badan macquul aheyn heshiiska ciyaaryahanka. (Football Italia)
Manchester City ayaa isku diyaarineysa inay la soo laabato dalab kale oo 32 milyan euro ah oo ay ku doonayaan ciyaaryahanka khadka dhexe Daniel de Rossi, lacagtaas ayaana laga yaabaa in Roma ay ka bedesho fekerkoodiia ahaa inay ceshtaan ciyaaryahanka. (Football Italia)
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester City Nigel de Jong ayaa waxaa 9 milyan euro ku raadineysa kooxda Inter Milan. (Corriere dello Sport)
Juventus oo ah kooxdii ugu danbeysay ee lala xiriiriyo weeraryahanka Manchester City Edin Dzeko ayaa waxaa wararku sheegayaan in laga soo diiday dalab 15.6 milyan euro oo ay ku dalbadeen ciyaaryahanka reer Bosnia. (La Gazzetta dello Sport)
Ciyaaryahanka khadka dhexe David Pizarro ayaa ku dhow inuu noqdo ciyaaryahan Fiorentina ah. Ciyaaryahanka reer Chile ayaa anfici waayay qorshaha tababare Zdenek Zeman ee kooxda AS Roma. (Tuttosport)
Fiorentina ayaa diyaar u ah inay kula biirto kooxaha Trazbonspor iyo West Bromwich Albion gabaadka loogu jiro 25 jirka kooxda Hoffenheim Ryan Babel. (Corriere dello Sport)
Madaxda kooxda Genao ayaa isha ku haya inay la soo wareegaan ciyaaryahanka kooxda Real Madrid ee ka ciyaara daafaca bidix iyo garab weerar Royston Drenthe. (Corriere dello Sport)