
Wararka ku saabsan suuqa kala iibsiga waxaa xuquuqdooda iska leh wargeysyada ku qoran, laacib.net kaliya waxa ay soo uruurisaa xanta ay wargeysyadan ka qoraan suuqa kala iibsiga.
ENGLAND:
Robin van Persie ayay u muuqataa inuu qarka u saaran yahay inuu ku biiro Manchester United. Sir Alex Ferguson ayaa wadahalo shaqsi ah la yeeshay Arsene Wenger oo ku aadan saxiixa ciyaaryahanka si uu u soo gabagabeeyo. Gunners ayaa weydiisaneysay United 30 milyan ginni madaama ay isku dayayeen inay ceshtaan kabtankooda, lakiin ka dib markii ay taageerayaasha ku ooriyeen kulankii saaxiibtinimo ee Cologne, RVP ayaa aad u doonaya inuu cadaadis saaro ku biiritaankiisa United. Arsenal ayaa haatan la filayaa inay aqbasho dalab 22 milyan ginni ah oo ku aadan weeraryahanka reer Holland. (Daily Mail / The Sun / Daily Mirror)
Weeraryahanka reer Spain iyo kooxda Athletic Bilbao ee lagu qiimeeyo 30 milyan ginni Fernando Llorente ayaa laga yaabaa inuu ku biiro United hadii ay ku guuldareystaan soo xerogelinta Van Persie, iyadoo Llorente uu ku dhawaaqay inuu ka tagay kooxda reer Basque. Manchester City ayaa sidoo kale xiiseyneysa. (Daily Star / Daily Express)
Kooxda heysata horyaalka Premier League ee Manchester City ayaa isku dayaysa inay ka dulqaado Manchester United weeraryahanka reer Chile Angelo Henrique inkastoo lagu soo waramayo in heshiis afar milyan ah ginni ah ay ogolaatay United. (Daily Mirror)
Kooxda Tottenham ayaa ku dalbatay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Rennes Yann M’Vila 12 milyan ginni, waxaana ay sidoo kale daneynayaan Etienne Capoue oo u ciyaara Toulouse. (Daily Telegraph / Daily Mail)
Tababaraha kooxda Liverpool Brendan Rodgers ayaa doonaya inuu la soo wareego ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee Barcelona Cristian Tello. Reds ayaa ku dooneysa heshiis amaah ah oo hal xilli ciyaareed ah iyo in fursad loo siiyo inay iibsan karaa xilli ciyaareedka ka dib. 21 jirkaan ayaa heshiiskiisa Barca waxaa uga hartay hal sanno. (The Sun)
Kooxda Newcastle ayaa ku dhow inay 6.7 milyan ginni kula soo wareegto ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Ajax Vurnon Anita. (The Independent)
Adam Johnson ayaa ka tagaya kooxda Manchester City ka dib markii ay isku dhaceen tababare Roberto Mancini. Waxa uu amaah hal xilli ciyaareed ah ugu biiri doonaa Everton. (Daily Star)
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester City iyo xulka Holland Nigel de Jong ayaa fasax loo siiyay inuu la hadli karo Inter Milan oo daneyneysa inay la soo wareegto. (The Times)
Kooxda Everton ayaa hogaamineysa tartanka loogu jiro ciyaaryahanka kooxda Caen M’Baye Niang, waxaana ay ku soo iibsanayaa 5 milyan ginni 17 jirkaas. Arsenal iyo Spurs ayaa sidoo kale xiiseynaya. (The Sun)
Blues ayay hubaal tahay inay la soo wareegayaan ciyaaryahanka garabka uga ciyaara Wigan Victor Moses ka dib markii Wigan ay amaah kaga soo qaadatay Arsenal Ryo Miyaichi. (Daily Mail)
Kooxda Chelsea ayaa sidoo kale ku riixeysa kooxda Marsille inay aqbasho dalab 6 milyan ginni ah oo ay ku doonayaan daafacooda garabka ee reer Spain Cesar Azpilicueta. (Daily Mirror)
Tababaraha kooxda Everton David Moyes ayaa ka fiirsanaya inuu ka afduubto Liverpool isku daygeeda ay kula soo wareegeyso weeraryahanka Fulham Clint Dempsey. (Daily Mail)
Ciyaaryahan Martin Skrtel ayaa heshiis cusub u saxiixi doona Liverpool, isagoo soo gabagabeynaya wararkii sheegaya in 20 milyan ginni uu ugu dhaqaaqayo Manchester City. (Daily Mail).
ITALY:
Inkastoo la sheegaya in Napoli ay ku dhow dahay dhameystirka saxiixa daafaca reer Uruguay Alvaro Pereira, Inter ayaa isku dayaysa inay ka afduubato saxiixa 26 jirkaan. (Corriere dello Sport)
Ciyaaryahanka reer Uruguay ee kooxda Bologna Gaston Ramirez ayaa waxaa doonaya kooxo ka dhisan Premier League oo ay ka mid tahay Liverpool. (Gazzetta dello Sport)
Kooxda heysata horyaalka Talyaaniga ee Juventus ayaa ku dhow inay hesho weeraryahanka reer Spain Fernando Llorente, ka dib markii Bilbao ay go’aansatay inay iska iibiyaan, waxaana ay ku heli karaan 16 milyan euro. (Gazzetta dello Sport)
Heshiiskii la isku bedelanayay weeraryahannada Pazzini iyo Quagliarella ee kooxaha Inter iyo Juventus ayaa weli meeshiisa yaala, oo laga yaabaa inuu dhaqan galo. (Gazzetta dello Sport)
Ciyaaryahanka weerarka ka ciyaara ee kooxda Villarreal Giuseppe Rossi ayaa diyaar u ah inuu u dhaqaaqo kooxda AC Milan sida uu xaqiijiyay wakiilkiisa. (Corriere dello Sport)