
Wararka ku saabsan suuqa kala iibsiga waxaa xuquuqdooda iska leh wargeysyada ku qoran, laacib.net kaliya waxa ay soo uruurisaa xanta ay wargeysyadan ka qoraan suuqa kala iibsiga.
ENGLAND:
Zenit St Petersburg ayaa ka dalbatay kooxda Manchester United xiddigeeda reer Portugal Nani, kaasoo laga yaabo inuu xagaagan ka tago kooxda. (Daily Mail)
West Ham ayaa diyaar u ah inay ka afduubato Liverpool saxiixa 29 jirka weerarka ugu ciyaara kooxda Fulham. (Metro)
Dhinaca kale kooxda ka dhisan Craven Cottage ee Fulham ayaa ka diiday dalab aad u hooseeya oo ay ka heleen Manchester United oo ku aadan ciyaaryahankooda khadka dhexe ee 25 jirka ah Moussa Dembele. (talkSPORT)
Daafaca 24 jirka kooxda Toulouse Cheikh M’Bengue ayaa shaaca ka qaaday inay dooneyso kooxda Arsenal. (Daily Star)
Kooxda Stoke ayaa kula biirtay Everton ganbaadka loogu jiro ciyaaryahanka khadka dhexe ee Liverpool Charlie Adam. (Daily Mail)
Tottenham ayaa wax ka weydiisay Manchester City ciyaaryahanka garabka ka ciyaara Adam Johnson waxaana ay tartan kala kulmayaan kooxaha Sunderland iyo West Ham. (The Times)
Ciyaaryahan Theo Walcott ayaan weli heshiis cusub u saxiixin kooxda Arsenal, iyadoo laga baqayo inuu raaco wadadii Robin van Persie. (The Sun)
ITALY:
Xiddiga khadka dhexe ee kooxda AS Roma Daniele De Rossi ayaan diyaar u aheyn inuu ka tago kooxda Roma inkastoo ay soo dalbaneyso Manchester City kuwaasoo u soo bandhigay mushahar 6 milyan ginni ah xilli ciyaareedkii. (Tuttosport)
Labada kooxood ee ku xafiiltama Milan ee AC iyo Inter ayaa laga yaabaa inuu dhexmaro heshiis dhanka suuqa ah, iyagoo ka fiirsanaya inay isku bedeshaan Antonio Cassano iyo Pazzini, ka dib markii ay shaqeyn weysay in Inter ay heshiis sidaas oo kale ah la gaarto Juventus. (La Gazzetta dello Sport)
Hadii ay labada kooxood gaari waayaan heshiiskaas ay ciyaarayahanada isku bedelayaan, waxa ay ku tartami doonaan saxiixa weeraryahanka AS Roma Marco Borriello. (La Gazzetta dello Sport)
Kooxda Inter Milan ayaa niyad wanaag ka qabta inay soo xerogeliyaan xiddiga reer Portugal ee kooxda FC Porto Pereira, iyadoo agaasimaha kooxda Branca uu u duulay Portugal si uu soo gabagabeeyo heshiiska. (La Gazzetta dello Sport)
Adriano Galliani oo aan weli ka quusan saxiixa Kaka ayaa Email u diray Real Madrid isagoo u sheegay inay xiiseynayaan ciyaaryahanka balse ay ku doonayaan kaliya heshiis amaah ah. (La Gazzetta dello Sport)
Wakiilka ciyaaryahanka reer Spain iyo kooxda Athletic Bilbao Fernando Llorente ayaa xaqiijiyay in ciyaaryahanka uu xiiseynayo kaliya inuu ku biiro kooxda heysata horyaalka Talyaaniga ee Juventus. (Corriere dello Sport)
Wageyska ka soo baxaya Brazil ayaa sheeganaya in Napoli ay la soo wareegtay daafaca San Paolo Bruno Uvini, lakiin wakiilka ciyaaryahanka ayaa ku adkeysanaya inaan weli la soo gabagabeyn heshiiska daafaca dhexe. (Footballl Italia)
Kooxda PSG ayaa dooneysa ciyaaryahanka kooxda Juventus Lichtsteiner (Corriere dello Sport)
SPAIN:
Barcelona ayaa ku dhawaaqi doonta heshiiska ciyaaryahanka kooxda Arsenal Alex Song maanta ama berri madaama ay iyaga iyo Arsenal ka heshiisyeen saxiixa ciyaaryahanka. ( Mundo Deportivo)
Taageerayaasha kooxda Athletic Bilbao ayaa soo bandhigay carada ay u qabaan ciyaaryahanada Fernando Llorente iyo Javi Martinez kuwaasoo la filayo inay kooxda ka tagaan xagaagan. (Football Espana)
Kooxda Bayern Munich ee dalka Jarmalka ayaa ku dhow inay la soo wareegto ciyaaryahanka khadka dhexe ee Athletic Bilbao Javi Martinez, waxaana la filayaa inay soo gabagabeeyaan maalmaha soo socda heshiiska ay kula wareegayaan. (Football Espana)
Ciyaaryahan Luka Modric ayaa weli raadinaya inay si rasmi ah u dhameystiro ku biirintaankiisa kooxda Real Madrid, waxaana uu sheegay in kulan rasmi ah uu la qaadan doono Spurs maalinta isniinta taasoo la filayo inay soo gabagabeyso mustaqbalkiisa kooxda. (Marca)