
iyo barnaamijkii xiisaha lahaa ee Wargeysyada Yurub Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay
Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda. Barnaamijkan waxaan idinkugu soo gudbinaa
wararka xanta ah ee wargeysyada qaarada yurub ay ka qoraan maalin walba suuqa
kala iibsiga.
Ilaa iyo inta uu suuqa kala iibsiga furan yahay, laacib.net maalin kasta ayay
barnaamijkaan idiin soo gudbin doontaa.
Wararka ku saabsan suuqa kala iibsiga waxaa xuquuqdooda iska leh wargeysyada ku
qoran.
ENGLAND:
Ciyaaryahan Robin Van Persie ayaa ku biiri doona Manchester City labada isbuuc ee soo
socota, iyadoo loo soo bandhigi doono mushahar 220 kun ginni isbuucii ah, ka dib
markii uu xaqiijiyay inuusan heshiiska u kordhineynin Gunners. Sidaasi waxaa
qortay Daily Mirror.
Lakiin Manchester United ayaa isku dayaysa inay kula dagaalanto Manchester City saxiixa
kabtanka Arsenal Robin Van Persie sida ay qortay Daily Mail.
Sir Alex Ferguson ayaa ka dhigtay ciyaaryahanka 19 jirka Lucas Moura target-kiisa
koowaad, iyadoo wafuud ka socota Red Devils ay u duulayaan Sao Paulo si ay
heshiiska u soo dhameeyaan. Chelsea ayaase weli ku jirta tartanka
kubadsameeyahaan, waxaana hore looga soo diiday dalab ah 32.4 milyan ginni. Sida
ay qortay Daily Mirror.
Ciyaartoyda Newcastle Demba Ba iyo Cheick Tiote ayaa labadoodaba waxaa lala xiriiriyay
xagaagan inay u dhaqaaqayaan garoonka Old Trafford sida ay qortay Daily
Express.
Spurs ayaa horumar ku sameysay 11kii Milyan e ay ku dabadeen 20 jirka kooxda
Internacional ee Brazil Oscar. Kooxda reer Brazil ayaa dooneysa inay
ciyaaryahanka iska iibiso inkastoo ay ku qiimeynayaan xiddigaan soo baxaya 20
milyan ginni. Sidaasi waxaa qortay Daily Mail.
Andre Villas-Boas ayaa ka fiirsanaya inuu 16 milyan ginni ku dalbado goolhayaha kooxda
France Hugo Lloris, kaasoo sidoo kale lala xiriiriyay inuu Lyon uga soo tagayo
Arsenal, Sida ay qortay Daily Mail.
Xiddigii hore ee Real Madrid Guti oo 35 jir ah ayaa tababar la qaadanaya West Ham ka hor
inta uusan si xor ah ugu biirin kooxda. Sidaasi waxaa qortay Daily Mail.
Benfica ayaa sarre u qaadeysa inay Manchester United ka soo dhaqaajiso ciyaaryahanka
khadka dhexe Andreson oo 24 jir ah sida ay qortay talkSPORT.
Newcastle United ayaa ku dhow saxiixa daafaca midig ee kooxda Lille Mathieu Debuchy oo 26
jir ah inkastoo Inter Milan ay isku dayayso inay ka afduubato. Sida ay qortay
Metro.
ITALY:
Kooxda Internazionale ayaa qarka u saran inay sideed milyan Euro kula soo wareegto
ciyaaryahanka kooxda Palermo Matias Silvertre. 27 jirkaan reer Argentina ee
daafaca ka ciyaara ayaa dhaliyay shan gool xilli ciyaareedkii hore. Sida ay
qortay Gazzetta dello Sport.
Labada kooxood ee ka dhisan Milano ee Inter iyo AC Milan ayaa waxa ay doonayaan
ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Holland ee kooxda Manchester City Nigel de
Jong.
Goolhayaha kooxda Inter Julio Cesar ayaa xaqiijiyay inuusan dooneynin inuu kooxda ka
tago inkastoo Inter ay soo iibsatay goolhayihii kooxda Udinese Samir Handanovic.
Iyadoo goolhayaha reer Brazil uu sheegay inuu booska kula tartami doono
goolhayaha cusub. Sida ay qortay Gazzette dello Sport.
Napoli ayaa si aad ah ugu dhow inay la soo saxiixato ciyaaryahanka daafaca bidix ee kooxda
Udinese ee u dhashay dalka Colombia Pablo Armero. Sida ay qortay Corriere dello
Sport.
Real Madrid ayaa ka fiirsaneysa hadii ay ka dhigan lahaayeen target-kooda
koowaad weeraryahanka Napoli Edinson Cavani xagaagan. Sida ay qortay Gazzetta
dello Sport.
Wakiilo ka socda kooxda Pescara ayaa ku sugan Parin si ay uga wada hadlaan kooxda PSG
saxiixa 19 jirka garabka ka ciyaara Marcol Verratti. Sida ay qortay
Tuttosport.
Juventus ayaa dooneysa inay ka faa’ideysato go;aankii Robin Van Persie uu ku gaaray
inuusan heshiiska ugu cusbooneysiinin Arsenal islamarkaana ay la soo wareegaan
ciyaaryahanka xagaagan iyagoo tartan la galaya kooxda Manchester City sida ay
qortay Corriere dello Sport.
Wakiilka ciyaaryahan Maicon ayaa ku sugan haatan London si uu u soo gabagabeeyo heshiiska
uu ciyaaryahanka reer Brazil ugu biirayo kooxda ka dhisan London ee Blues. Sida
ay sheegeyso Sky Sport Italia.
SPAIN:
Tababaraha kooxda Real Madrid Jose Mourinho ayaan weli ka quusan inuu la soo saxiixdo
ciyaaryahankiisii hore ee Inter Milan Maicon kaasoo ku dhow inuu ku biro Chelsea
sida ay qortay Marca.
Daafaca Real Madrid Raul Albiol ayaa wadada u saran inuu qandaraaska u kordhiyo kooxda
Los Blancos ilaa 2017, inkastoo daafaca dhexe uu 10 kulan oo La Liga ah saftay
xilli ciyaareedkii hore, sidaasi waxaa qortay AS.
Wakiilka Xabi Alonso ayaa shaaca ka qaaday in ciyaaryahanka uu wakiilka ka yahay inuusan
dooneynin inuu ka tago Real Madrid sida ay qortay Marca.
Sida laga soo xigtay jariirada Turkiga Milliyet, Fenerbahce ayaa xiiseyneysa inay la
soo wareegtao ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Lassana Diarra. Sida ay qortay
AS.
Kooxda Paris Saint-Germain ayaa go’aansatay inay ka dhigato weeraryahanka Barcelona
David Villa saxiixooda ugu weyn xagaagan. Sida ay qortay jariirada Sport.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Athletic Bilabo Javi Martinez ayaa iska diiday wararka la
xiriirinaya inuu ku biro kooxda Bayern Muncih. Sida ay qortay AS.
Maanta intaas ayaa ugu waa weyn wararkii ay qoreen wargeysyada yurub ee suuqa kala
iibsiga ciyaartoyda, burrito jimce ah barnaamijkeena waxa uu geli doonaa hakad
waxaana isku soo laaban doonaa hadii eebe idmo sabtida.