
Ilaa iyo inta uu suuqa kala iibsiga furan yahay, laacib.net maalin kasta ayay barnaamijkaan idiin soo gudbin doontaa.
Wararka ku saabsan suuqa kala iibsiga waxaa xuquuqdooda iska leh wargeysyada ku qoran, laacib.net kaliya waxa ay soo uruurisaa xanta ay wargeysyadan ka qoraan suuqa kala iibsiga.
INGARIIS:
AC Milan ayaa ka fiirsaneysa inay amaah ku qaadato weeraryahanka Liverpool Andy Carroll. Ciyaaryahanka qiimahiisa yahay 35 milyan ginni ayaysan u badneyn inuu si toos ah ugu biro Milan ilaa iyo Milan ay iska iibiso Robinho, lakiin kooxda Talyaaniga ayaa si aad ah ugu baahan inay dhiig cusub ku soo darto kooxdeeda ka dib markii xiddigo waayeeloobay ay ka tageen. Sida ay qortay The Sun.
Blues ayaa laga soo diiday dalab ay Beyer Leverkusen u gudbiyeen oo ku aadanaa xiddiga reer Jarmal Andrea Schurrle. Leverkusen waxa ay sheegtay in ciyaaryahanka uu muhim u yahay. Sida ay qortay The Sun.
Real Madrid ayaa diiday lacag aan la cayimin oo ay Reds ku dalbtay Esteban Granero, kaasoo xilli ciyaareedkii hore diirada u saarnaa Arsenal. Sida ay qortay Daily Mail.
Fiorentina ayaa dalab cusub u dirsatay kooxda Arsenal, iyadoo 4.5 milyan ginni ku dooneysa weeraryahanka Marouance Chamakh. Sida ay qortay The Times.
Spurs ayaa isku dayi doonta isku day cusub oo ay kula soo wareegto Leandro Damiao, ka dib markii kooxda Internacional ay la soo wareegtay Diego Forlan. Sida ay qortay Daily Mail.
Kooxda Blues ayaa sarre u qaaday dooneystiisa xiddigakooxda Fiorentina Stevan Jovetic iyadoo Juventus iyo Arsenal ay qeyb ka yihiin tartanka ciyaaryahanka loogu jiro. Sida ay qortay The Times.
Daafaca kooxda Ajax Jan Vertonghen ayaa imaan doonta isniinta White Hart Lane si uu tijaabada caafimaadka ugu maro, waxaana saxaafada loo soo bandhigi doona marka uu maro ka dib. Sida ay qortay The Independent.
Liverpool ayaa dooneysa ciyaaryahanka lagu tilmaamo Kaka cusub ee dalka Uruguay Gaston Ramires kaasoo laga yaabo inuu noqdo saxiixa ugu horeeya ee tababare Brendan Rodgers sida ay qortay Liverpool Echo.
Kooxda West Ham ayay u muuqataa inay seegtay ciyaaryahanka juunyeerka Real Madrid Joselu, kaasoo ay ku dhowdahay inay la wareegto kooxda Jarmalka Hoffenheim. Sida ay qortay The Times.
Tababaraha Wigan Roberto Martinez ayaa doonaya inuu la soo saxiixdo ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Chicago Fire Marco Pappa hadii Victor Moses uu kooxda ka tago. Sida ay qortay Daily Mirror.
ITALY:
Kooxda AC Milan ayaa qorsheyneysa in ciyaaryahano da’da yar kooxdeeda ku soo biro, waxaana diirada u saran inay soo iibsadaan daafaca bidix ee kooxda Manchester City Kolavor. Sida ay qortay Gazzetta dello Sport.
AC Milan ayaa sidoo kale wadahalo la gashay kooxda Manchester City oo ku aadan saxiixa weeraryahankooda Eden Dzeko. Sida ay qortay goal.com
Tababarihii hore ee kooxda Fiorentina Delio Rossi ayaa sheegay in ciyaaryahanka Fiorentina Jovetic uu ku fiican yahay inuu u ciyaaro kooxda Juventus oo haatan baadigoob ugu jirta. Sida ay qortay Gazzetta dello Sport.
Juventus ayaa dajineysa qorshihii ay ku heli laheyd kabtanka kooxda Arsenal Robin Van Persie, kaasoo la filayo inuu xagaagan ka tago Emirates Stadium. Sida ay qortay Corriere dello Sport.
Ciyaaryahan Ricardo Kaka ayaa doonaya kaliya inuu ku laabto kooxdiisii hore ee AC Milan, waxaana uu diyaar u yahay inuu ka tago kooxdiisa haatan Real Madrid. Sida ay qortay Corriere dello Sport.
Kooxda Juventus ayaa garwaaqsatay inay ku adag tahay soo xerogelinta weeraryahanka Napoli Edinson Cavani, waxaana ay haatan u jiheysanaa Jovetic iyo Pazzinni oo sheegay inuu Inter ka tagayo sida ay qortay Tuttosport.
Ciyaaryahanka reer Brazil Paulinho ayaa hoos u dhigay heshiiskii uu ugu wareegi lahaa Inter, lakiin Nerazzurri ayaa weli rajo ka leh inay soo gabagabeeyaan heshiiska. Sida ay qortay Tuttosport.
SPAIN:
Tababaraha kooxda Barcelona Tito Vilanova ayaa u arka xiddiga kooxda Atheltic Bilaboa Javi Martinez bedelka saxda ah ee ciyaaryahan Seydou Keita kaasoo ka tagay Barca, waxaana Barcelona ay go’aansan doontaa isbuuca soo socda hadii ay si rasmi ah u dalban doonaan Martinez. Sida ay qortay Marca.
Wargeyska AS ayaa isna sheegaya in Barcelona ay dhib kala kulmi doonto saxiixa Martinez, madaama qandaraaskiisa Athletic uu dhacayo 2016ka islamarkaana lacagta lagu burburin karo heshiiskiisa ay tahay 40 milyan euro, oo ah lacagta ay Barca ugu talogashay suuqa kala iibsiga xagagan.
Ka dib markii Real Madrid ay ka quusatay saxiixa Maicon oo la filayo inuu u dhaqaaqo Chelsea waxa ay haatan diirada saarayaan ciyaaryahanka daafaca dhexe ee kooxda Liverpool Daniel Agger. Sida ay qortay Marca.
Kooxda Lille ee dalka Faransiiska ayaa 8 milyan euro ku soo dalbatay ciyaaryahanka aan booska ka heysan kooxda Barcelona Ibrahim Afellay. Sida ay qortay Sport
Luka Modric ayaa si cad u sheegay inuu doonayo inuu u ciyaaro kooxda heysata horyaalka La Liga ee Real Madrid. Isagoo yiri: “Waxaan kaliya doonayaa inaan u ciyaaro Real” sida ay qortay jariirada AS.