
Wararka ku saabsan suuqa kala iibsiga waxaa xuquuqdooda iska leh wargeysyada ku qoran, laacib.net kaliya waxa ay soo uruurisaa xanta ay wargeysyadan ka qoraan suuqa kala iibsiga.
� INGARIISKA:
Arsenal ayaa qirtay inaysan aqbali doonin lacag ka yar 20 milyan ginni oo ku aadan Robin van Persie ka dib markii ay diideen dalabyo ka yimid Juventus (£8m), Manchester United (£10m) iyo Manchester City (£12m) 48dii saacadood ee u danbeysay. (Daily Mirror)
Juventus ayaa u sheegtay Robin van Persie inay afka hore kala ciyaarsiin doonaan weeraryahanka Liverpool Luis Suarez. Iyadoo xitaa hadii aysan helin RVP ay qorsheyneyso inay dalbato weeraryahanka reer Uruguay. (BBC iyo Daily Mirror).
Manchester United ayaa diyaar u ah inay sarre u qaado lacagtii 29ka Milyan ginni ee laga soo diiday ee ay ku doonayeen kubadsameeyaha kooxda Sao Paulo Lucas Moura, waxaana ay doonayaan inay haatan hordhigaan 32 milyan ginni. (Goal.com)
Ciyaaryahanka doonaya inuu ka tago Spurs ee Luka Modric ayaa laga yaabaa inuu ganaax dishibiliinka ah la kulmo ka dib markii uu diiday inuu tababar la qaato kooxda inteeda kale islamarkaana u la safro Mareykanka, isagoo ku cadaadinaya Tottenham inay ka iibiyaan Real Madrid. (Daily Mirror).
Tababaraha kooxda Manchester Uniyed Sir Alex Ferguson ayaa doonaya inuu 8 milyan ginni kaga soo qaato kooxda Everton ciyaaryahankeeda daafaca bidix Leighton Baines. (Metro).
Galatasaray ayaa wadahadalo kula jirta weeraryahanka Manchester United Dimitar Berbatov kaasoo la filayo inuu xagaagan ka dhaqaaqo Old Trafford. (Metro)
Manchester United ayaa aaminsan in dagaalka loogu jiro saxiixa kabtanka Arsenal Robin van Persie inay gaari karto ilaa 30 milyan ginni. (Daily Mail)
Ciyaaryahanka reer Brazil ee kooxda Shakhtar Willian ayaa fariin u diray kooxda Chelsea oo uu ugu sheegayo inay soo dalbadaan. (Football365)
Tababaraha kooxda Tottenham Andre Villas-Boas oo dhawaan hotelkiisa ku booqday Hulk ayaa sheegaya in Tottenham aysan xiiseyneynin ciyaaryahanka reer Brazil oo diirada u saran kooxda Chelsea. (Goal)
U dhaqaaqistii Newcastle ay u dhaqaaqeysay daafaca FC Twente Douglas ayaa laga yaabaa inay ka afduubtaan kooxaha Fulham iyo West Ham. (The Sun).
ITALY:
Tababaraha kooxda Milan Masimillaino Allegri ayaa sheegay in kooxda Milan ay soo iibsan doonto ciyaaryahano buuxiya boos kasta oo ka banaan kooxda, ka dib markii ay iska iibiyeen ciyaartoy qaar, halka ciyaaryahano kalena uu ka dhacay qandaraaskooda. (Gazzetta dello Sport).
Weeraryahanka ay wada leeyihiin kooxaha Seina iyo Genoa Matti Destro ayaa weli ka fiirsanaya inuu u dhaqaaqo kooxda ka dhisan caasimada Talyaaniga ee AS Roma, iyadoo haatan Juventus ay isku dayaysa inay ka afduubato ciyaaryahanka kooxda Roma. (Gazzetta dello Sport).
Kooxda Inter Milan ayaa ku sii dhawaaneysa inay la soo wareegto xiddiga reer Brazil Lucas Moura, iyadoo kooxdii tartanka kula jirtay ee Manchester United ay u jiheysatay soo xerogelinta weeraryahanka Arsenal Robin van Persie. (Gazzetta dello Sport)
Juventus ayaa diyaarineysa qorshe sir ah oo ay ku doonayaan inay ku soo xerogeliyaan xiddiga aadka loo qiimeeyo ee kooxda Fiorentina Stevan Jovetic, iyadoo Fiorentina ay hore u sheegtay inay ciyaaryahanka ku doonayaan 30 milyan euro oo kaash ah. (Corriere dello Sport).
Ciyaaryahanka Fiorentina Jovetic ayaa sidoo kale ka careysiisay ka dib markii kooxdiisa ay go’aansatay inay ka qaadan kabtanimada kooxda Viola, taasoo sii hurin doonta in ciyaaryahanka uu si rasmi ah u go’aansado inuu ka dhaqaajiyo Fiorentina xagaagan. (Gazzetta dello Sport).
Aabaha dhalay Melo ayaa ugu baaqay Juventus iyo Galatsaray inay heshiis ka gaaraan saxiixa ciyaaryahanka, iyadoo ciyaaryahanka reer Brazil uu amaah ugu ciyaarayay kooxda Turkiga. (Goal.com)
SPAIN:
Heshiiska ay Real Madrid kula soo wareegeyso ciyaaryahanka kubadsameeyaha kooxda Tottenham Luka Modric ayaa laga yaabaa inay qaadato waqti dheer, iyadoo Real Madrid aysan ku jirin wax degdeg ah oo la xiriirta inay soo gabagabeeyaan heshiiska ciyaaryahanka, waxaana laga yaabaa wadahadalada inay socdaan ilaa iyo maalinta ugu danbeysa suuqa kala iibsiga ee 31ka bisha August. (Marca).
Tababaraha kooxda Tottenham Andre Villas-Boas ayaa sheegay in ciyaaryahan Modric uu sii ahaan doono Tottenham ilaa iyo inta kooxaha doonaya ay miiska soo saaraan lacagta ay dooneyso kooxda ka dhisan White Hart Lane. (Marca).
Kooxda Real Madrid ayaa 19.5 milyan euro ka sameyneysa suuqa kala iibsiga xagaagan, iyadoo ay ka tagayaan ilaa iyo afar ciyaaryahan. Hamit Altintop ayaa ugu biiray kooxda Turkiga Galatsaray 3.5 milyan euro, halka Fernando Gago iyo Sergio Canales ay ugu biirayaan Valencia 11 milyan euro, halka Carvajal oo ku jiray juunyeerka Real uu 5 milyan euro ugu biirayo kooxda Bayer Leverkusen. (Marca).
Waxaa sii kala fogaanaya ciyaaryahan Diego iyo kooxdii uu amaahda ugu ciyaarayay ee Atletico Madrid, iyadoo weli ciyaaryahanka uusan hubin halka uu ka ciyaarayo xilli ciyaareedka soo socda. (Marca).
Kooxda Arsenal ayaa qorsheyneysa inay la soo wareegto weeraryahanka reer Spain ee kooxda Athletic Bilbao Fernando Llorente, kaasoo bedel u noqon kara kabtankooda Robin van Persie oo xagaagan la filayo inuu ka tago garoonka Emirates. (Marca).
Daafaca kooxda Inter Milan Douglas Maicon ayaa iska diiday dalab uga yimid kooxda maalqabeenada Russia Anzhi Makhachkala, isagoo filaya inuu taleefan ka helo kooxda Real Madrid oo ciyaaryahanka xiiseyneysa ka dib markii uu qaboobay xiisahii ay ciyaaryahanka u heysay kooxda Chelsea. (AS).
Kooxda Inter Milan ayaa albaabada ka soo xiratay suurtogalnimadii aheyd inay kooxda Barcelona ka soo kaxeeyaan xiddiga reer Holland ee garabka ka ciyaara Ibrahim Afellay kaasoo la filayo inuu xagaagan ka dhaqaaqo kooxda Barcelona. (Sport).