
Halka lagu qabanayo: The Grimaldi Forum, Monaco
Sida ay u shaqeysoIsku aadka wareega group-yada Champions League waxaa 32 kooxood loo qeybin doonaa 8 group oo min afar kooxood. Group-yada waxaa la siin doonaa xartafaha A ilaa H, sharciyada isku aadkana waa sidaan:
- Kooxo isku wadan ah kama wada tirsanaan karaan hal group.
- Kooxo isku darajo ah sida kooxaha ku jira POT 1 iskuma soo aadi karaan.
- Koox walba waxay ciyaareysaa seddex kulan habeenka talaadada iyo seddex kulan habeenka arbacada.
- Kooxaha ka dhisan wadamada Russia iyo Belarus waxaa qasab ah in kulankooda ugu danbeeya ee wareega group-yada inuu noqdo mid ay marti yihiin bisha December madaama cimilada ay xun tahay dhankooda.
POT ONE Chelsea, Barcelona, Manchester United, Bayern Munich, Real Madrid,Arsenal, Porto, AC Milan.
POT TWO Valencia, Benfica, Shakhtar Donetsk, Zenit St Petersburg, Schalke, Manchester City, Braga, Dynamo Kiev.
POT THREE Olympiakos, Ajax, Anderlecht, Juventus, Spartak Moscow, Paris Saint-Germain, Lille, Galatasaray.
POT FOUR Celtic, Borussia Dortmund, BATE Borisov, Dinamo Zagreb, Cluj, Malaga, Montpellier, Nordsjaelland.
Waxaa macquul noqon karta in group ka mid ah group-yada maanta la sameynayo inay ka koobnaadaan kooxihii soo qaaday horyaalada Spain, England, Italy iyo Germany, oo kala ah Real Madrid (pot one), Manchester City (pot 2), Juventus (Pot 3) iyo Borusia Dortmund (pot 4)
Taariikhaha Muhimka AhWareega group-yada (Sept 18-19 ilaa Dec 4-5).�
Wareega 16ka, lugta hore (Feb 12-13 iyo 19-20); lugta labaad (Mar 5-6 iyo 12-13).
Wareega 8da, lugta hore (Apr 2-3) lugta labaad (Apr 9-10).
Semi-final, lugta hore (Apr 23-24) lugta labaad (Apr 30-May 1).
Final� (May 25, Wembley).