
25 jirkaani ayaa qarka u saaran inuu u dhaqaaqo kooxda ka dhisan galbeeka London,iyadoo Chelsea ay ka faa’iideysaneyso guushoodii Uefa Champions League. Waxaana Ramires uu sheegay in isaga iyo saaxiibkiisa reer Brazil David Luiz inay sidii gurigiisa oo kale uga dhigi doonaan Stamford Bridge ciyaaryahankii hor ee Tokyo Verdy.
“Waxaan Brazil kala socdaa wararka ku saabsan suurtagalnimada uu Hulk ugu biiri karo Chelsea” ayuu Ramires u sheegay saxaafada.
“Waxay u muuqataa inuuu imaanayo. Waxaan kula ciyaaray xulka Brazil, waana iska soo horjeednay markii aan u ciyaarayey Benfica, waana nin wax badan kusoo kordhinkara kooxda.
“Ma kala kulmi doono wax dhibaato ah la qabshada kooxda. Labadeena aniga iyo David Luiz ayaa u sameyn doona inuu dhaqso u dareemo gurigiisa oo kale. Waxaan ku rajo way nahay inaan wada shaqeyno.”