
Rooney ayaa u sheegay taageeraayiisha oo uu su’aalo uga jawaabayay bogiisa Facebook inuu aaminsan yahay in weeraryahanka Barcelona uusan kaliya aheyn ciyaaryahanka ugu fiican aduunka maanta, lakiin uu sidoo kale yahay ciyaaryahan ugu fiicnaa ee dunida soo mara.
“Waxaan qabaa sida uu u ciyaaro kubada iyo goolasha uu dhaliyo, inuu yahay nin aad caadi aheyn” ayuu Rooney ka yiri ciyaaryahanka seddexda jeer ee isku xigta ku guuleystay Ballon d’Or.
“Si kastab, indhaheyga Messi ayaa ku ah ciyaaryahankii ugu fiicnaa abid.”
Hadalada weeraryahanka ayaa laga yaabaa inuu ka xumaado saaxiibkiisii hore ee Man United Cristiano Ronaldo, kaasoo uu wax badan kaga hadlay buugiisa soo socda oo qeybo ka mid ah lagu daabacay wargeysyada Ingariiska.
Rooney iyo United ayaa labo jeer ay guuldarro ka soo gaartay Barca iyo Messi finalka Champions League 2009kii iyo 2011.