
Roo ayaa yiri:” Way wanaagsan tahay inaan u soo laabto, haa dabcan afar toddobaad ayaan garoomada ka maqnaa, aad ayaana ugu faraxsanahay inaan garoomada ku soo laabto.
“Wanaag ayaan dareemayaa, mar walbana waa ay adag tahay kulanka ugu horeeya markaad dib u soo laabto.”
Kulankii xalay ayaa Anderson hogaanka u dhiibay kooxdiisa daqiiqadii 44aad.
Tom Cleverley ayaa u labeeyey inta uusan hal gool kooxdiisa u dhalin Papiss Cisse kaasoo ahaa goolkiisii ugu horeeyey xilli ciyaareedkan.
Fergie ayaa waxa uu aad ugu farxay Darren Fletcher iyo Wayne oo garoonka ku soo laabtay.