
Weeraryahanka ayaa la filayay inuu maqnaanayo ilaa bisha October ka dib markii dhabar xoogan uu ka soo gaaray lugta kulankii Fulham ee bishii hore.
26 jirkaan ayaa waxaa si kama ah ugu dul dhacay oo kabihiisa ay jareen ciyaaryahanka Fulham Hugo Rodallega.
Lakiin Rooney ayaa kaga yaabsaday waaxda caafimaadka ee United soo kabsasho degdeg ah, isagoo shantii maalmood ee ugu danbeysay sameynayay tababar kala duwan sida ay ku warameyso The Sun.
Waxaana xitaa laga yaabaa in Rooney caawa la soo fariisiyo kursiga keydka ee kulankooda ugu horeeya Champions League.
Weeraryahanka England ayaase u badan tahay inuu diyaar noqon doono kulanka Premier League ee ay axada soo socota Anfield kula ciyaarayaan Liverpool.
Rooney oo haatan xiranaya bantaajo si uu uga fogaado infection, ayaa todobaadkii hore ku soo laabtay tababarka fudud, isagoo qolka jirdhiska waqti badan ku qaadanayay.
Waxaana shalayto lagu soo waramayaa inuu ka qeyb qaatay tababarka buuxa ee kooxda.