
Tababaraha kooxda Manchester United Sir Alex Ferguson ayaa dhawaan banaanka soo dhigay xiisaha ay u qabaan inay la soo wareegaan Van Persie, isagoo sheegay inay dalbadeen xiddiga reer Holland islamarkaana aan weli wax horumar ah laga gaarin wadahadalada ay kula jiraan Arsenal.
Rooney ayaa sheegay in Van Persie uu tayo hor leh ku soo kordhin doono Manchester United hadii uu ku soo biiro.
“Waa ciyaaryaahn aan xiiseeyo. Waa ciyaaryahan fantastik ah, waxa uu u ahaa cajiib muddo sannado ah kooxda Arsenal” ayuu Rooney ku yiri shir jaraa’id oo uu qabtay.
“Xilli ciyaareedkii hore waxa ay u aheyd xilli ciyaareedkiisii ugu fiicnaa, waxa uu dhaliyay goolal badan. Hadii uu halkaan yimaado waxa uu noqon doonaa tayo weyn oo ku oo saa’iday kooxda”.
Manchester United ayaa la rumeysan yahay inay u soo bandhigeyso Van Persie mushahar la mid ah kan Rooney uu haatan qaato oo gaaraya 220 kun ginni isbuucii, inkastoo lacagtaasi ay soo jiidan karro Van Persie, hadana Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay ka caga jiideyso inay wax ka iibiso koox ay si aad ah ugu xafiiltamaan Premier League.